Wasarada xananada Xoolaha Somaliland oo hakisay xoolihii tagi jirey Sucuudiga

0

Dhoofka xooluhu waa

lafdhabarta dhaqaalaha Lacagta Adagi ay kasoo gasho Jamhuuriyada Somaliland, Xoolaha ugu badan ee Mandaqada geeska Afrikana waxay ka dhoofaan Dekada Berbera oo  istiraaji ahan noqotay ta ugu haboon dhoofka Xoolaha waana dhunnta ugu dhow marinka dhoofka xoolaha ee wadmada khaliijka. Hadaba Xili kasta oo ay soo dhawaato bisha Arafo oo ah ta xoolaha ugu badan loo dhoofiyo dalka Sucuudiga waxa la khal khal galiya xoolaha loo rarayo Xashka iyadoo dilaliin isbahaystay oo carab iyo cajaba lihi isku bahaystan inay helaan lacag dul sar ah oo neefkasta oo dhoofaya ay ka helaan,

 

, Dilaaliintan ayaa ugu awood badnaa xiligii Xukumadii Madaxweyne Farmajo uu ka talin jiray Xamar iyagoo dilaalintani kusoo dhuuman Jiray mamulka Farmajo oo raali ka ahaa in culays dhan walba ah la dul dhigo Dhoofka Xoolaha ee Dekada Berber,

waxaase iminka yaab leh Dhoofka Xoolaha oo si Habsamiya usocday ilaa Arafadii oo xadhkihii ugu danbeeyay ee mamulkii Farmajo la Furfuray in xogo warbahintu heshay ay sheegayan in mudo 40 casho ah ee aynu soo dhaafnay la hakiyay xoolihii udhoofayay sucuudiga arinkaasi ayaan la ogayn cida Joojisay xoolahasi lamana hayo wax qoraal ah oo ka yimid suuqyadii ama sayladihii Xoolaha loo iibgayn jiray,

 

sidoo kalena dawlada xamar lagama hayo wax carqalad Cusub ah oo xoolaha lagu cunaqataynayo,

mid kamida ganacsatada Xoolaha ka Dhoofisa Somaliland oo codsaday inaan magaciisa la shacin ayaa farta ku goday in hakinta xoolaha udhoofaya Sucuudiga ee kabaxa dekad Berbera uu masuuliydeeda Leeyhay Wasiirka Xananad Xoolaha ee Jamhuuriyada Somaliland Siciid Sulub Maxamed.

Dabcana wararka kale ee warbahintu heshay ayaa waxaa ka mida in Xubno tiro Badan oo Ganacsatada Xoolaha kamid ahi ay warqad cabasho ah oo la xidhiidha shaqadoodii Dhoofka Xoolaha ee la hakiyay ugudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi una sheegen in aanay garanaynin meel xoolohaooda laga hakiyay oo aan ahayn Wasarada Xananada Xoolaha ee Somaliland ,

Xubno kamida ganacsataasi dhoofka Xoolaha oo warbaahinta lasoo xidhidhay ayaa sheegay in Madaxweynuhu cabashadoodi waji wanagasan iyo tageero uu umuujiyay kagana soo jawaabay amar sidoo Kale Madaxwaynuhuna wuxuu amray in si kasta oo ganacsatadu xoolahooda ururan karaan una dhoofin karan loo fududeeyo Gacana lagu siiyo wixii aan magaca wadankeena wax udhimaynin iyo Qaranimadeena Iyadoo amarkasi la faray Wasiir ku xigeenaka Wasaradaasi oo ah iminka kusimaha Wasiirka Wasarada Xanaanada Xoolaha oo dalka debediisa kumaqan,

Geesta kalena  Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale  Madaxweynuhu arinkaas cabashada Ganacsatada Xoolaha kala hadlay kuna amray inuu qeyb ka noqdo xal uhelida arinkaas sida ay warbaahinta usheegeen Xubnihii Cabashada ugudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka Xanaanada xoolaha ee Jamhuuriyada Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa la sheegay in waqtigan uu ku sugan yahay dalka sucuudiga magalada Rayaad halkaasi oo kaga qaybgalayo shir Dhanka dhoofka xoolaha ah waxaana xubno kamida Ganacsatada Xooluhu Warbaahinta usheegeen in Wararka Wasiir Sulub laga soo Sheegay ee shirkaasi ku saabsani sheegayaan inuu shirkaasi yahay mid muhiima oo Dhoofka Xoolaha Somaliland Halkaasna lagu soo afjari doono carqaladihii Xoolaha Dhoofka Xoolaha Somaliland, Waxase xubno kaloo kamida Ganacsatada dhoofka Xooluhu aaminsanyihiin inaan la garan Karin nuxurka dhabta ah ee shirkaasi waayo ganacsatada qaarkood ayaa ka baqo Qaba in iyaga loogu tashanayo oo dilaliintii carqalada waligood ku ahaa dhoofka Xoolaha ay shirgudoon ka yihiin ayna doonayaan in wixii aanu hore uga diidnay inay Wasiirkeena soo dhexmariyaan oo khiyaamo Qaran ay dhacdo taas oo sumcad xumo qarankeena ku noqon doonta,

Iskusoo duuboo waxyabaha cadaynaya Arimahaasi waxaa ka mid ah warqad kasoo baxday saaka Xafiiska isuduwaha Wasarada Xanaanad Xoolaha ee Gobolka Saaxil Cabdiqaadir Axmed Cige oo xaqiijisay xogtan oo mudo hadal haynteedu bulshada dhex socotay taas oo Isuduwu ku cadeeyay in la hakiyay Xoolihii Sucuudiga udhoofi jiray ee Maxjarada Berbera lagu caafimaadin jiray mudo aan la cayimin Waxa Kaloo Waraaqda Isuduwaha lagu cadeeyay inaan wax Xoolo ah oo Sucuudiga Udhoofayaa aanay gali karin 3 Maxjar ee kala Aljaabiri, Almutaxida Iyo Maxjarka Indhodeero Group.

Ganacsatada Dhoofka Xoolaha ayaa walaac ka muujiyay kharash ku socda Xoolaha kujira xeryaha Xoolaha ee Kuyimi amarkii Madaxweynaha Somaliland kuwaas oo maalin walba isticmaala Kharash Badan oo Caws iyo biyaba isugu jira iyo shaqaalihii 

Markasta oo caqabadu kutimaado Dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland wax fursad dahabiya ka hela Dekedaha Wadamada jaarka sida Jabuuti iyo Boosaaso oo loo weeciyo Xoolihii ka dhoofi lahaa Dekeda Berbera ee Dakhliga Maaliyadeed uga soo xeroon lahaa Wasaarada Maaliyada

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada kasoo baxday Xafiiska Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gobolka Saaxil ee ka Hadlaysa Hakinta Xoolaha udhoofaya Sucuudiga.