Waa Kuma Dr Jaamac Muuse, ergayga Somaliland ee Museveni kala hadlay aqoonsiga?

0

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in uu aqalka madaxtooyadda dalkaas kula kulmay ergayga gaarka ah ee Somaliland Dr Jaamac Muuse Jaamac, oo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Museveni oo ciidamadiisu kaalin weyn ku leeyihiin howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu aqbalay in uu door nabadeed iyo dhexdhexaadin ka ciyaaro arrimaha Somalia iyo Somaliland. Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay u baahan yihiin inay wada hadlaan oo midnimo ku heshiiyeen, taas oo ah arrin ay horey uga miro diiday Somaliland, oo dooneysa inay noqoto jamhuuriyad madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Museveni oo ah hoggaamiye jabhad oo hore oo xukunka dalkaas hayay todobo iyo soddonkii sano ee u dambeeyay, ayaa loo arkaa in uu saameyn weyn ku leeyahay siyaasadda amniga ee Soomaaliya, isaga oo tababaray kumanaan ciidan Soomaali ah, islamarkaas na dhowr jeer dhexdhexaadin iyo heshiisiin u sameeyay siyaasiyiinta Soomaaliya xilliyo kala duwan.

Waa kuma Dr Jaamac Muuse, Ergayga gaarka ah ee Somaliland?

  Dr Jaamac Muuse ooo sannadkii 1967-kii ku dhashay magaalada Hargeysa ee Somaliland waxa uu ka mid yahay qurba-joogta dib ugu soo noqotay deeganadaas ee kaalinta weyn ku laheyd dib u dhiska bulshada kadib burburkii xoogganaa ee kasoo gaaray duqeymihii dowladdii kacaanka ee Hargeysa, iyo colaadihii ka damb

Waxa uu wax ku bartay oo ku barbaaray Haregysa oo uu ku qaatay waxbarashadiisa hoose iyo dhexe, isaga oo ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo ah kii ugu horreeyay, ugu na faca weyn ee noociisa ah oo lagu qabto dhulka Soomaalida.

Waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd kadib, waxa uu Dr Jaamac Muuse u aaday Muqdisho waxbarashada sare ee jaamacadda, isaga oo ku biiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho waxa ay xilliyadaas ahayd halka kaliya ee laga heli karay waxbarasho jaamacadeed guud ahaan Soomaaliya. Afar sano iyo bar uu dhiganayay kulyadda xisaabta kadib, waxa uu waxbarasho kale oo jaamacadeed u aaday Talyaaniga isaga oo ku biiray Jaamacadda Pisa. Waxa uu shahaadada PhD ka qaatay Università degli Studi di Napoli “L’Orientale”. Waxaa xusid mudan in Jaamac uu safiican ugu hadlo luuqadda Talyaaniga.

Jaamac Muuse waa cilmibaare, qoraa iyo dhaqanyahan, isaga oo qoray lix buug oo labo ka mid ah ay la xiriiraan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Waxaa sidoo kale loo arkaa in uu yahay nin xiriiro badan oo caalami ah leh, islamarkaasna kaalin weyn ku leh dedaalka aqoonsi-raadinta Somaliland.

Sannadkii 2014-kii waxa uu aasaasay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu Agaasime ka noqday. 2019 Dr. Jaamac Muuse waxa uu ku biiray xarunta cilmi baarista Associate the Center of African Studies ee SOAS.

Jaamac ayaa hadda ah la taliyaha madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee arrimaha dibadda.

eeyay ee beelaha dhexdooda ka qarxay.