Maxay Itoobiya ka tiri in askar badan looga dilay Bakool

0

Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay hadal ka soo yeeray kooxda Al-Shabaab, kaas oo la xiriira in 167 ka mid ah ciidamada Itoobiya ay ku dileen weerar gaadmo ah oo subaxnimadii hore ee Axadii ka dhacay degmada Rabdhuuere, gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sheegashada kooxda Al-shabaab mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxay isku dayi karaan inay weerar ku qaadaan ciidamada Itoobiya, laakiin muddo 10-daqiiqo ah lama dagaallami karaan ciidamada difaaca Itoobiya, ciidankan waa kuwo xirfad sare leh, aadna u qalabaysan, oo habaysan, mar kasta oo ay cadawga ka hor-tagaan waxay gaadhsiiyaan dharbaaxo xoogan. Sidaa darteed, tani waa dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri Danjire Waare.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa lala beegsaday labo kolanyo oo mid ka mid ah uu ka soo baxay degmada Yeed kuna sii jeeday degmada Waajid iyo kolanyada labaad oo ka soo ambabaxday degmada Ceel-Barde kuna sii jeedday magaalada Xuddur, halkaa oo ay Ciidamada Itoobiya saldhigyo ku kala leeyihiin Waajid iyo Xudur.

Sarkaal maxalli ah ayaa sheegay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo cusub oo dhawaan kasoo talaabay xuduudda Soomaaliya una soo talaabay in ay badalaan ciidamo dhameystay mudadii howlgalkooda ee Soomaaliya.

“Jimcihii hore ayaay kasoo gudbeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo sida raashiin Lix bil loogu talo galay, waxay u socdeen in ay soo badalaan ciidamo dhameystay wakhtigoodii Soomaaliya” . Ayuu BBC-da u sheegay mid kamid ah fallanqeeyayaasha arimaha amniga gobalka oo ka gaabsaday in aanu xiganno

Itoobiya ayaa si adag u ilaalisa xogta ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana adag in la helo xogta khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamadeeda.

Duqa degmada Xudur ayaa sheegay in kooxda Al-shabab dhankooda halkaasi lagu gaarsiyay khasaaro xoog leh.

Hogaamiyayaasha Kenya, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti ayaa bishii Febraayo ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku yeeshay shir madaxeed, kaasoo ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo bilaabo olole ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay mid khatar ku ah xasiloonida gobolka.

Lama oga in ciidamadan cusub ee shalay weerarka la kulmay ay kamid ahaayeen ciidamadii ay ballan qaadday dowladda Itoobiya.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo gacan ka helaya xulafada caalamiga ah iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale xoojiyay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, iyadoo hadafku yahay in la baacsado, lagana dhimo khatarta kooxda ee gobolka.

Itoobiya ayaa muddo dheer loo arkayay in ay tahay waddan aanay suurtagal ka aheyn dhaqdhaqaaqyada argagixisada, sababo la xiriira sirdoonkeeda sare iyo feejignaanta ciidamadeeda, balse kooxda Al-shabaab ayaa sanadihii dambe xoojiyay bartilmaameedkooda ciidamada Itoobiya.

Muxuu Ka Dhigan Yahay Weerarka Rabdhuure, Bakool?

 

Tiro aan la garanayn ka tirsan Miliriga Itoobiya oo aan ka tirsanayn howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ayaa la sheegaa inay ku sugan yihiin Sooomaaliya, kuwaas oo u jooga sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay hoos ugu dhigi lahaayeen khatar kooxda ee gudaha Itoobiya.

Kolonyada militiriga ee shalay Rabdhuure kula kulmay weerarka gaadmada ah ayaana la aaminsan yaahy in aanay qeyb ka aheyn howlgalka ATMIS. Lama oga sidoo kale in ay ahaayeen balanqaadkii dowladda Itoobiya ee bishii ee Febraayo ee sanadkaan ee ahaan in ay ku taageero Soomaaliya 1,000(Kun) askari oo ka madax-banaan howlgalka ATMIS.

Hay’adaha ammaanka ee Federalka Itoobiya ee ku sugan xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in feejignaan sare la galiyay sanad ka dib weerrarkii Al-shabaab ee dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaa kale oo meesha laga saaray ciidamadii Liyuu booliska deegaanka Soomaalida oo iyagu xilligaasi dagaalka la galay kooxda Al-shabaab, iyadoona wixii intaa ka danbeeyay Itoobiya ay si adag u xoojisay amniga xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto. Bishii Agoosto, ee sanadkii hore Al-Shabaab ayaa weerarro xiriir ah oo aan lagu guuleysan ka geysatay xadka Itoobiya. Maamulka Itoobiya ayaa sheegay in in ka badan 800 oo dagaalyahano ah lagu dilay dhowr maalmood oo dagaallo culus socdeen. Dhinaca kale bishii Juun ee sanadkaan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Itoobiya ayaa xilligaasi sheegtay in ciidankan la weeraray uu ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.