Sidee dalkan uu Madaxweyne Xasan ku hal-qabsaday uu uga hormaray Soomaaliya oo ay isku duruuf haysatay?

0

Madaxweynaha Soomaaliya oo toddobaadkii hore ka hadlayey barta X (oo loo aqoon jiray Twitter) ayaa u sheegay dadkii dhegeysanayey “ma lihi Soomaaliya waxaan ka dhigayaa sida Singapore, iyo Dubai, laakiin waxaan doonayaa in aan al-Shabaab dalka xoreeyo, ka dibna aan u jihaysanno horumar dalku gaaro”.

Wuxuu ku halqabsaday dalka Singapore oo ah dal yar oo Aasiya ku yaalla, oo muddo yar horumar weyn ku gaaray. Baaxad ahaan Singapore waa 734 KM oo iskuwareeg ah, waxaana lixdameeyadii ay dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba la mid ahayd Soomaaliya, laakiinse maanta xagga dhaqaalaha horumar weyn ayey ka samaysay.

Haddaba sidee ugu suurto gashay jasiiradaas yar ee markeedii hore ay Malaysia kala go’een in ay kaalinta 36aad kaga jirto dhaqaalaha caalamka, kaalin intee le’eg ayuuse ku lahaa hogaamiyihii ugu horreeyey ee dalkaas Lee Kuan Yew.

Shaafici Shariif Maxamed waa dhaqaaleyahan wax ku soo batay jaamacad ku taalla Malaysia, wuxuu ka warramayaa sida uu Singapore ku gaaray horumarka muddadaas 50ka sano ah iyo kaalintii uu ku lahaa Lee Kuan Yew.

 

Billowga horumarka Singapore

Dalka waxaa ku nool seddex qowmiyadood oo kala ah Malay, Hindi iyo Shiine. Qowmiyadda dalka u badnayd oo ahayd Malay muslimiin ah ayuu Ingiriisku heshiis kula galay inay madax banaani qaataan haddii ay nabad galinayaan Hindida iyo Shiineeska” ayuu yiri.

Dalkaas wuxuu Malaysia kaga go’ay afti loo qaaday, ayadoo ay sidas codsadeen labada qowmiyadood ee Hindida iyo Shiinaha.

 

Inta badan ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu ka yimaadaa qowmiyadda Shiinaha. Lee Kuan Yew wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalkaas. Wuxuu aad xoogga u saaray in dadka dalka ku nool ay noqdaan dad aad wax u barta oo tacliinta loo dareero.

“Waxay shiinaha oo uu hogaaminayo Lee Kuan Yew la yimaadeen istaraatijiyad xagga dhaqaalaha lagu horumarinayo, waxaana hadafkooda 1aad uu ahaa in la dhiso ama la horumariyo warshadaha, iyi sidoo kale in ganacsiga la horumariyo. Qaramada midoobay ayaa aad uga taageertay oo dhanka khubarada dhaqaalaha kala shaqaynaysay” ayuu yiri Shaafici. Wuxuu intaa raaLciyey in dadka dalkaas ay aqoonta ka dhismeen.

Wuxuu intaa ku daray in dalalka Aasiya oo ganacsigii u furfuray, nidaamyadoodana hagaajiyey, warshadihii oo si fiican uga hanaqaaday, iyo maamulka bankiyada oo dalkaas ka hirgalay ilaa maantana uu ugu horreeyo qaaraddaas ay u saamaxeen Singapore inay tiigsato yool fog.

Lee Kuan Yew

 

“Arrimaha uu la yimid ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalkaas waxaa ugu horraysa hogaamin daahfuran iyo ka go’naansho ay daacadnimo la socoto, wuxuuna aad ula diriray, una cirib tiray musuqmaasuqa” ayuu yiri Shaafici Shariif.

Wuxuu aad u adkeeyey nidaamka waxbarashada si ay u soo baxaan dad aqoontoodu sarrayso maadaama uusan dalku lahayn wax soosaar. “Xataa manhajka Malaysia laga isticmaalo waa kan Singapore” ayuu sii raaciyey.

Dalkaas wuxuu soo jiitay ganacsiga caalamka, waxaana xafiisyo ku leh shirkadaha ugu waaweyn dunida. Shirkadaha maraakiibta iyo bankiyada ayaa u badan shirkadahaas. Waxaa intaas dheer in Lee Kuan Yew uu Singapore ka dhigay dal aan raacsanayn dhinac ka mid ah dhinacyada isku haysta siyaasadaha caalamka. Wuxuu kaloo wax weyn ka qabtay shaqa la’aanta.

Shaqsi ahaan Lee Kuan Yew waa nin bartay sharciga. Wuxuu dhashay xilligii gumaysigii Ingiriiska. Markii uu iskuulka dhameeyeyna wuxuu galay jaamacadda Raffles College oo hadda aah jaamacadda National university of Singapore, ka dibna wuxuu waxbarasho u aaday London School of Economics oo uu uga sii gudbay jaamacadda Cambridge oo uu isku mar ka qaatay laba shahaado.

Wuxuu xafiiska hayey Juun 1959 ilaa Nofembar 1990. Waana wakhtigaas xilliga uu horumarka aadka u weyn gaarsiiyey Singapore. Wuxuu geeriyooday 23 Maarso 2015 isagoo 91 jir ah.