Xaalada Dagaalka Gobolada Amxaarada ee Ethiopia ka socda oo kasii daray, magaalooyin wawawyn oo Jabhada fana ee Amxaradu …….iyo Amaro Culus oo dawladu dul dhigtay

0

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ku dhowaaqday “xaalad deg deg ah” ayada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaarada.

 

Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada.

Bayaanka laguma sheegin haddii xaaladda deg degga ah ay quseyso dalka oo dhan ama kaliya gobolka Amxaara, oo dhaca waqooyiga caasimadda Addis-Ababa.

 

 

Iska hor-imaadyada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii dhowaa, taasi oo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka.

Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia.

Khamiistii, mas’uuliyiinta gobolka Amxaara ayaa weydiistay dowladda federaalka inay ka caawiso xakameynta amniga ayada oo xaaladda ay noqotay “mid aad u adag in la maareeyo” ayna horseedeyso carqalad bulsho iyo mid dhaqaale.

Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.”

Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, illaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada.

Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, haddana “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacanta ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga

Heshiiska nabadeed ayaa ka cadhaysiiyay waddaniyiinta Axmaarada, waxayna xiisaddu ka dartay bishii April markii Abiy uu ku dhawaaqay in la kala dirayo ciidamada gobolka.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamo goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha gobolka Amxaara.

Gelinkii dambe ee Arbacadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay in “dhibaatooyinka amni ee lagu arkayo degaannada kala duwan ee gobolka Amxaarada ay noqonayaan kuwo walaac leh”.

“Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.