Al-Shabaab oo weerartay deegaan ka tirsan Waqooyi Bari Kenya iyo wasiirka gaashandiga kenya oo bboqanaya xuduuda labada dal

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaduud ee maagaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay halkaasi weerar ku qaadeen koox loo maleeynayo inay ka tirsanyihiin ururka Al -Shabaab.

Dhimasho ayaa la soo warinayaa iyo in sidookale ay kooxdu burburiyeen anteenada shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ku taallay halkaasi.

Laamaha amaanka oo aan la xirriirnay ayaa waxay inoo sheegeen inay howlgal wadaan.

Al-Shabaab ayaa qoaal ay so dhigeen bartoooda internetka ku sheegay inay fuliyeen weerarkaasi

 

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aaden Barre Ducaale ayaa maanta gaaray magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana la filayaa in wasiirku booqdo deegaanno laga cabsi qabo inay Al-Shabaab ka geystaan weerarro.

Deegaanadaas ayaa ah kuwa ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaanna magaalada Wajeer.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weerarro ka geysanayay deegaanada dhaca soohdimaha ay labadan dal wadaagaan.