Roob baraf wata oo ka da’ay qaybo ka mid ah Kenya

0

Dadka deegaanka Laikipia ee dalka Kenya, ayaa Talaadadii aynu soo dhaafnay kusoo toosay subaxdii cimilo ku cusub ka dib markii roob baraf wata uu halkaa ka da’ay isla markaana la arkay baraf fafadhiya waddooyinka iyo aagagga ku dhow deegaanka Nyahururu sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Qeybo ka mid ah wadada oo dhowr kiilo mitir u jirta Nyahururu ayaa waxaa qariyay baraf,waxaana muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada iyo warbaahinta la arkayay gaadiidka oo ku dhiban xitaa maritaanka meelaha qaar.

Sidoo kale wadayaasha gawaairada ayaa hakad galiyay safarradooda si ay u daawadaan barafka.

Dadka Kenyaanka ah ayaa horey shaashadaha caalamka uga daawan jiray baraf Yurub iyo meelo kale ka dhacaya balse markaan qaarkood ayaa ku arkay xaafadahooda.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaan u dhaxeeya Jigjiga iyo Wajaale uu ka da’ay roob baraf wata oo la yaab ku noqday dadka deegaanka maadama markii ugu