malleeshiyaad dab qabadsiiyay tuulo dhan oo ay dad daganaayeen

0

Guud ahaan tuulooyin ka tirsan gobolka Daafuur ee galbeedka Suudaan ayaa waxaa gubtay kooxo maleeshiyaad ah, iyadoo hay’adaha gargaarka ay hadda ka digayaan in gobolka uu qarka u saaran yahay “masiibo bini’aadannimo”.

Bililiqo baahsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah ayaa dad badan ka dhigtay inay waayaan cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.

Xabbad joojin dhexmartay ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF ayaa horseeday inay qaboojiyaan rabshadihii ka dhacayay agagaarka caasimadda Suudaan ee Khartoum, Balse dagaalka ayaa weli ka socda Daarfuur, iyadoo colaadda halkaas ka taagan ay gashay asbuucii toddobaad, gobolkaas ayaa u muuqda inuu galay fowdo.