Xajka 2023: Wax ka ogow digniinta Sacuudiga iyo fursadda dadka ku nool ay u heystaan inay xajiyaan

0

oddobaadyo kaddib, Muslimiin ka kala socota daafaha dunida ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Makah ee dalka Sacuudiga, iyagoo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

 

Si kastaba, tirada dadka aan awoodin inay gutaan waajibkan, oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa kordheysa, sababo la xiriira sicir bararka iyo xaaladaha nolosha, iyo saameynta qiimaha Xajka intaba.

Gudaha Sacuudiga waxaa ku nool ajaanib badan oo qaarkood halkaas shaoq u tagay, qaarna degganaansho, balse waxay qaarkood sheegayaan in marka la eego gudashada Xajka, uusan xaalkooda ahayn sida loo maleynayo.

Gudashada Xajka ma u fududdahay ajaanibta ku nool Sacuudiga?

  Haddii aad moodeyso in Carabta iyo ajaanibta kale ee deggan Sacuudiga inay nasiib badan yihiin ayna fursad u heystaan gudashada Xajka, waxaan u maleynayaa inaad haatan beddeli doonto fekerkaaga.

Jamila Muxamad, oo ah haweeney Ciraaqi ah waxay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh deggan tahay muddo 10 sano ah waxayna heysataa afar carruur ah, waxay BBC u sheegtay: “Dadka qaar waxay moodayaan inaan nasiib badannahay inaan ku nool nahay Sacuudiga una dhownahay Makah, qaar kalena waxay moodaan inaynaan u baahneyn lacag badan si waajibkan u gudanno, balse xaqiiqdu way ka duwan tahay,” ayay tiri.

Haweeneydan 41 jirka ah ayaa intaa raacisay: “Nolosha halkan gebi ahaanba maaha mid fudud, waxaa jira lacago loo baahan yahay in carruurta iskuul looga bixiyo, lacagta cusbooneysiinta sharciga oo sanadkii qofka ay ku baxayso $1,300 – iyo qiimaha caymiska caafimaadka, kirada guryaha, biilka korontada, internet-ka, teleofonka iyo waxyaabaha kale,” .

Waxay iyaodo hadalkeeda sii wadata tiri, “Mushaarka seygeyga wuu ka sarreeyaa celcelis ahaan inta halkan laga qaato, marka waxaan la yaabanahay sida qoysaska mushaarka yar qaata ay halkan ugu nool yihiin!”

Shaki kuma jiro in dadka u dhashay Sacuudiga iyo kuwa heysta dhalashada dalkaas ay u fududdahay inay gutaan Xajka, maaddaama dakhligooda uu ka sarreeyo kuwa dadka ajaanibta ah.

Inkastoo dadka gudaha Sacuudiga ku nool aysan u baahneyn inay safar dheer soo galaan si ay Xajka u gutaan, haddana waxaa jira in qudhooda uu qiime ugu kacayo gudashada waajibaadkan.

Qiimaha gawaarida lagu tagayo Xajka

Qiimaha, lacagaha, hannaanka iyo waxa uu ku kacayo safarka Xajka, gaar ahaanna gawaarida lagu tagayo ayaa kala duwan, waxaana la eegaa dadka meesha ay ka soo ejedaan.

Ugu yaraan, qiimaha gaariga ayaa ka billowda 12,000 riyaalka Sacuudiga ah (waa in ka badan $3,000) qofkiiba. Marka la eego gawaarida raadaxa ee dadka geynaya Xajka, qiimuhu intaa waa ka badan yahay haddii qofku deggan yahay Sacuudiga.

Si kastaba, qiimaha ayaa ka badan kara $6,000 qofkiiba haddii uu qofku bannaanka Scauudiga ka imaanayo.

Sanad walba, Boqortooyada Sacuudiga ayaa taariikh iyo waqti go’an u qabata xilliga la tagayo Makah inta Xajka lagu guda jiro, albaabbada magaalada ayaana la xiraa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka heysta kaarka aqoonsiga xaajiga iyo dadka ucmreysanaya, si looga fogaado is buurashada loona hubiyo badqabka dadka gudanaya waajibaadkan.

Shuruucda Xajka ee sanadkan 2023

 

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saartay imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan.

Farriin ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku tiri: “Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada.

“Tani waxay kaa caawin doontaa inay kuu fududeyso hannaanka”.

Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan:

  • Lacag ka badan SR60,000
  • Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000
  • Alaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000
  • Qaadashada alaab mamnuuc ah
  • Inuu qofku sito baco
  • Alaab ka badan miisaanka la oggol yahay

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyso laga qaadi doono tallaabo sharci ah.