Wax badan ka ogow dacwadda loo haysto Trump

0

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag uu siiyay haweeney jirkeeda ka ganacsata.

Trump oo afar sano u talinayay Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda maxkamad la soo taago, taasoo aan horay ugu dhicin Madaxweyne soo xukumay dalkaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Trump ku jiro olole uu ku doonayo in mar kale loo doorto Aqalka Cad dhammaadka sanadka 2024.

Maxaa dhacay?

Habeennimadii Khamiista ayaa xubnaha xeer beegti fadhiday New York waxa ay codeeyeen in dacwad lagu soo oogo Trump, taaso ka dhigan in ay rumaysan yihiin in la hayo caddeymo waafi ah oo ka dhan ah Madaxweynaha hore.

 

Weli lama shaacin qodobada dacwadda.

Hase yeeshee xeer beegtida ayaa todobaadyo dhageysanayay caddeymo ku aaddan lacagta la siiyay haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels, si loogu aamusiyo.

Lacagta ayaa la bixiyay ka hor inta uusan Trump noqon Madaxweynaha, wax yar uun ka hor doorashadii 2016 ee uu kaga guulaystay Hillary Clinton.

Waxaa la ogaan doonaa qodobada dacwadda marka la xiro Trump ee uu ka soo hor muuqdo garsoore ku sugan maxkamadda Manhattan.

Waxaa jira warar sheegaya in Trump maxkamadda la geyn doono Talaadada soo socota.

Maxay tahay doodda haweeneyda?

Stormy Daniels ayaa sheegtay in ay Trump xiriir la lahayd sanadkii 2006, taasoo uu si weyn u beeniyay.

Sanadkii 2016, waxa ay bilowday in ay warbaahinta u soo bandhigto waxa dhexmaray iyada iyo Trump.

Qareenkiisa Michael Cohen ayaa haweeneydaas siiyay 130 kun oo dollar si ay uga aamusto arrinkaas.

Lacagta noocaas ah ayaa sharci darro ka ah Maraykanka, waa tan lagu haysto Donald Trump.

Waxaa lagu haystaa inuu ka been sheegay diiwaankiisa ganacsiga oo uu lacagtaas ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay qareen.

Maxkamadda ayaa lagu weydiin doonaa Trump su’aalaha la xiriira hannaanka bixinta lacagtaas.

Madaxweynaha hore ayaa beeniyay inuu wax dembi ah galay, waxaana uu dacwadda ku tilmaamay mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Maxaa dhici doona haddii dembiga lagu helo?

Waxa ay u badan tahay in lagu xukumo doono lacag ganaax ah, waxaa se jira suuragalnimo ah in xabsiga loo taxaabo Madaxweynaha hore.

Haddii dacwadda ay ku jiraan qodobo culus, waxaa Trump lagu xukumi karaa ugu badnaan afar sano oo xabsi ah.

Hase yeeshee xeel dheerayaal sharciga ah ayaa BBC u sheegay in ay adag tahay in Trump xabsiga loo taxaabo.

Trump weli ma u tartami karaa madaxtinnimada?

Haa, ma jiro qodob dastuuri ah oo Trump ka mamnuucaya inuu sii wato ololihiisa doorasho maadaama haatan lagu soo oogay dacwad.

Xitaa haddii la xiro, waxaa u furan inuu u tartamo madaxtinnimo oo uu ku guulaysto.

Hase yeeshee waxaa muuqata in dacwad jiitanta ay wax weyn u dhimi doonto waqtiga iyo xoogga uu gelin lahaa ololaha doorashada iyo ka qeybgalka isu soo baxyada.

Soo horay loo ma baarin kiiskan?

Haa. Waxaa laba jeer guddi u saaray Aqalka Wakiillada markii uu Madaxweynaha ahaa. Waxaa se mooshinka xilka qaadista labada goor ba joojiyay Aqalka Senate-ka.

Maadaama aan hadda lagu soo oogi karin xilka qaadis oo aanu xilba hayn, waxaa furan in dacwad looga furo maxkamada, waxaana horyaalla dhawr baaritaanno fal dembiyeed ah.

Waxaa kiisaskaas ay si faahfaahsan u soo shaaci bixi doonaan bilaha soo socda.