Wariyayaasha Kenya aya wajahay xaalad adag mudaharaadyada socda awgood

0

NAIROBI, KENYA — In ka badan 20 saxafi ayaa la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukuumadda Kenya. Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya, weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay debedbaxyadu bilaabmeen, waxaana saxafiyiinka muuqaalada duuba iyo kuwa sawirada qaadaa ay bartilmaameed u noqdeen, debedbaxayaasha xukuumadda taageersan iyo kuwa ka soo horjeedaba.

 

Golaha warbaahinta ee Kenya ayaa dalbanaya in baadhis lagu sameeyo tacadiyada loo geystay saxafiyiinta.

Njeri Gathumbi, oo ah sawirqaade u shaqeeya telefiishanka Nation TV ee dalka Kenya, oo ka mida saxafiyiinta soo tebiya debedbaxyada, ayaa sheegtay in toddobaadkii ugu dambeeyey uu ka sii adkaa toddobaadkii ka horreeyey.

“Haddii aad aaddo dhinaca ciidamada booliska, waxaad khatar ugu sugan tahay dhagxaantu inay kugu dhacaan, haddii aad tagto dhinaca debedbaxayaashana, waxaa ku garaacaya dadweynaha, sidoo kale ciidamada booliska ayaa kugu qarqinaya sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sheegtay.

“Mararka qaarkood inaad sawiradaas qaaddo, waa arrin aad u adag, waa inaad isku qarisaa meel aad kaga dhuuman karto booliska iyo shacabkaba, khaasatan marka ay isweydaarsanayaan dhagxaanta iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sii raacisay.

Saxafiyiinta lama bartilmaameedsanayn illaa taliyaha booliska ee Japhet Koone uu ka sheegay in debedbaxayaasha lagu maxkamadayn doono, iyada oo la isticmaalayo sawirada la qaaday.

Debedbaxyadan ayaa bilaabmay ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku dhawaaqay in laga mudaharaado qiimaha nolosha ee cirka isku shareeray iyo goldaloolooyinka hannaanka doorashada.

Dawladda ayaa sharci darro ku tilmaantay mudaharaadada, waxayn ku hanjabtay inay tallaabo adag ka qaadayso.

Warbixintan waxaa soo diray Mohammed Yusuf