Donald Trump oo sheegay inuu filayo in la xiri doono talaadada

0

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in loo xiri doono talaadada soo socoto dacwad ku saabsaneyd lacag laaluush ah oo isaga laga siiyey haweenay ahayd kuwa jirkooda ka ganacsada oo lagu eedeeyay inuu gogol dhaaf la sameeyay.

Trump ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka muddaharaadaan tallaabadaas, qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta bulshada ee Truth.

Mid ka mid ah qareennada Trump ayaa shegay in sheegashadiisu ku saleysan tahay warbixinno saxaafadeed oo muujinaya in ay suurta gal tahay in toddobaadka soo socda la qabto.

Haddi dacwaddan lagu helo Donald Trump waxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay abid ee taariikhda Maraykanka dambi lagusoo oogo laguna helo.

Waxay sidoo kale saameyn ba’an ku yeelan doontaa ol’olihiisa doorashada uu doonayo inuu madaxweynaha dalkaas mark kale ku noqdo, ka horena waxay saameyn doontaa inuu kasoo baxo tartanka musharraxiinta ee xisbigiisa.

Muddo shan sano ah ayey dacwad oogaayaashu wadeen baaritaan ku saabsan lacag la sheegay in laga bixiyey Donld trump lana siiyey haweenay uu “gogol dhaaf la sameeyay” si ay uga aamusto marqaati keceeda, tan oo dhacday inta ka horreysay doorashadii Donald Trump ee 2016.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Stromy Daniels ayuu qareenkii hore ee Donald trump, Michael Cohen siiyey lacag gaareysa $130,000 oo doolar ka hor doorashadii 2016 si ay uga aamusto eedda ahayd in iyada iyo Trump wada yeesheen xiriir galmo, eedaymahan oo uu Trump diiday kuna tilmaamay kuwa siyaasadeysan.

Waa mid ka mid ah dhowr baadhitaan oo 76 jirkan lagu hayo, inkastoo aan weli mid ka mid ah lagusoo dacweynin dhammaantoodna uu inkiray.

Sabtidii ayuu Trump kusoo qoray bartiisa Truth Social in “sir sharci darro” ah oo ka timid xafiiska dacwad oogaha Manhattan “ay muujinayso” in talaadada la xiri doono isaga.

Xafiiska dacwad oogaha degmada ayaan wel wax faallo ah ka bixinnin. Qareenka Trump Susan Necheles, ayaa warbaahinta CBS oo BBC-da saaxiib la ah u sheegtay in qoraalka Trump uu “ku saleysan yahay warbixin warbaahineed”.

Stormy Daniels Haweeynayda Trump lagu eedeeyay inuu gogl dhaaf la sameeyay

“Maadaama ay tani tahay dacwad siyaasadeed, xafiiska xeer ilaaliyaha degmada wuxuu ku hawlanaa inuu wax walba u daayo saxaafadda, halkii uu la xiriiri lahaa qareennada madaxweyne Trump sida kiisaska caadiga ah,” ayay tiri.

Ururada warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in hay’adaha fulinta sharciga ee New York ay isku diyaarinayaan suurtagalnimada in Mr Trump lagu soo oogo oo uu ka soo muuqdo maxkamadda Manhattan horaanta toddobaadka soo socda.

Waxaa jiray calaamado ah in kiiska Stormy Daniels uu sii socdo markii horaantii bishaan Mr Trump lagu casuumay inuu ka marag furo xeerbeegti weyn – kaas oo go’aaminaya haddii ay jirto cadeymo ku filan oo lagu sii wadi karo eedeymaha dacwadda.

Dhageysiga dacwadaha ayaa si qarsoodi ah loo qabtaa, waxaana la sheegay in dhowr kaaliye oo hore ula shaqeeyay Mr Trump ay ka marqaati fureen kiiskan.

Khubarada ayaa soo jeedinaya soo badhigista marqaati furka inay muujineyso inuu dhawaan wajihi karo eedeymo dambi – balse ma cadda waxa ay noqon karaan eedaymahaasi.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, saraakiisha fulinta sharciga ayaa ka fikiraya wax yaabaha la taaban karo ee ah in maxkamad la geeyo madaxweynihii hore, oo ay ku jiraan su’aalo ku saabsan amniga.

Qareenka kale ee Mr Trump, Joseph Tacopina, ayaa u sheegay wakaaladda wararka “waxaan raaci doonnaa nidaamka caadiga ah” haddii lagu soo oogo.