VOA Dagaal ka socda gudaha magaalada Laascaanood
BBC Is Rasaasayn Ka Bilaabantay Magalada Laascaanood
Wariyayasha ka hawlgala labadaa idacadood waxay faa,iido ka dhaliyaan been iyagoo ku ladhaya cunfi qabiil,
Laas caanood wax Rasaasa oo ka dhacaya gudaheeda ma jiraan waxana laga dheregsan yahay in raga duubka u xidhay inay dagaal ka ridaan degankaas ay usuuro gali wayday inay fuliyaan wixii ay xambaarsaanyeen sida laajigeed ay isku dayayaan inay kolba doc uga wareegaan oo ay rasaas ku furaan ciidamada qarankana daandansadaan ,
Raga waxa ka shaqaynaya Nina Wiil uu dhalay iyo mid ehelkiisa dhow ahi kaga dhiman maayo ee waxa la dilayaa oo la baabi inayaa dadka masaakiinta ah ee xaaladaha nolosha la daalaa dhacaya,
Magaalada Laas Caanood dadkii waxay ku nool yihiin Nolol adag waxaana galiyay dhowr iyo toban nin oo dhalinyaro ah laakiin dhaxlay saladanad garaad, Ragani oo aan kala jeclayn xumo iyo wanaag , waxa kaliya ee ay ka midaysanyihiin waxa weeye in dhiiga dadka la biishado Afarta jihana lookala shaqo tago oo aan wax udana umada ay magaceeda matalaan u qaban, Horta Anigu waxaan ahay nin xog ogaal u ah waxa ka taagan magaalda laas caanood oo aan udhshay hadii kurka la i jaryona waan sheegayaa waxa taagan iminka,
magalada intii Ragan bahda dhaqanka dhulbahnte yimaadeen waxaa magalada caadi ka noqday Doroogadii oo dhan sida khamriga iyo Xashiishada, Fusiqii oo guryihii magaalada ee laga qaxiyay dadkoodii rag iyo Dumarba lagu cunaayo JAAD sidoo kalena waxaa iska dhacaysa xabada oo dhalinyardii qori wada sitaan , markaa ma sidaasaa sax ah waar illaahay ka baqa oo Nbada ilaliya hadii nabad la waayo nololi jiri mayso dadkii magaalada waxaa laga dhigay Qaxooti,
Ismaaciil yuusuf cige