DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Pakistan oo geeriyooday

0

Madaxweynihii hore ee Pakistan General Pervez Musharaf, oo xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii, ayaa ku dhintay Dubai isagoo 79 jir ah.

 

Hogaamiyihii hore – oo ahaa madaxweyne intii u dhaxeysay 2001 iyo 2008 – ayaa u dhintay xanuun muddo dheer hayay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada qaranka.

Intii uu xukunka hayay waxa uu ka badbaaday isku day dil oo badan, waxa uuna isku arkay safka hore ee halganka u dhaxeeya Islaamiyiinta mayalka adag iyo reer galbeedka.