Rayasla wasaare ku xigeenkii hore ee maamulka Muqdisho iminkana ah xildhibaan magac reer ku jooga Mahdi Guuleed oo badheedhihiisa Runta ugu sheegay baarlamanka qabaliga ah ee xamar

0

Wadamada Dariska Waanu Wada Eegnay, Oo Ay Somaliland Ku Jirto”Xil, Mahdi.

 

 

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaan Mahdi maxamed Guuleed ooh ore somaliya uga soo noqday raysal wasaare kuxigeen xukuumadii farmaajo ayaa maanta golaha shacabka oo uu ka horjeediyay qaabka ay usoo diyaariyeen xeerka haayada nabad sugida somaliya ee NISA Sheegay in qawaaniinta geeska Africa ka jirta ee ay u eegeen xeerka uu kamid ah yahay ka Somaliland oo kamid ah dawladaha dariska la ah somaliya

 

Hadalka xildhibaan mahdi ayaa golaha baarlamaanka ka dhex abuuray buuq kadib markii ay xildhibaanada xagjirka ah qaarkood dood ka keenin hadalkiisa iyo sida uu ucadeeyay xaqiiqada jirta.

 

Arintan ayaa hadal hayn badan ka dhalisa guud ahaan goobaha ay ku kulmaan bulshada somalida ee qaarkood aaminsan yihiin wixii laysku odhan jiray somaliya ee burburay markii talada laga tuuray taliskii siyaad bare oo wali dhibaatadii uu Somali gaadhsiiyay aan xal loo helin gudaha somaliya marka laga tago Somaliland oo iyagu madaxbanaanideedii lasoo noqotay 1991kii hadana ah dawlad isku filan.