Raysal wasaarihii hore ee UK oo sheegay in uu Putin u hanjabay

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo xiriiray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo.

 

Ra’iisul wasaarihii xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yiri  “hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan”.

Johnson wuxuu xusay in weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro wicitaan telefoon oo “aad u dheer”  kaas oo isaga iyo Putin dhex mnaray bishii Febraayo 2022 in dagaalku noqon doono “musiibo ballaaran”.

Johnson ayaa uga digay Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku saaro Ruushka iyo ciidamada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha Ruushka.

Suurtagal ma aha in la ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida  kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 – hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa loo dhoho, ayaa u badan inay Johnson ku qasabvto inuu hanjabaad dhab ah u qaato.

Faahfaahinta kulanka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Dokumentariga BBC-da oo maanta la baahin doono, kaas oo ku saabsan wadahadalladii Putin uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha caalamka.

Sagaal maalmood ka dib, 11-kii Febraayo, Wasiirka Difaaca Britain, Ben Wallace wuxuu u duulay Moscow si uu ula kulmo dhiggiisa Ruushka, Sergei Shoigu.

Dukumentiga BBC-da ayaa qeexaya sida Wallace uga baxay shirka isagoo loo dammaanad qaaday in Ruushku aanu ku soo duuli doonin Ukraine, balse labada dhinacba waxay ogaayeen inay been tahay.

Wallace waxa uu ku tilmaamay ” cagajugleyn ama awood muujin” wuxuuna sheegay in ay ka dhignayd sida: “Been ayaan kuu sheegayaa, waad ogtahay inaan been sheegayo, waana ogahay inaad ogtahay inaan been sheegayo, hase ahaatee been baan kuu sheegayaa.”

“Waxaan u maleynayaa inaad ula jeeddo ‘waan xoog badanahay,” ayuu yiri Wallace.

Wallace ayaa sheegay in beentaasi ay xaqiijisay malihiisii ahaa in Ruushku uu ku soo duuli doono Ukraine.

Marka uu shirka kasoo baxay, waxa uu xusay in taliyaha guud ee ciidamada Ruushka, General Valery Gerasimov, uu ku yiri “mar dambe nalama bahdili doono”.

In ka yar laba toddobaad ka dib, Febraayo 24, iyada oo taangiyada ay ka soo gudbayaan xadka, ayuu Johnson helay wicitaan ka yimid madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy saqdii dhexe ee habeenkii.

“Zelensky wuxuu ahaa mid aad iyo aad u deggan,” Johnson ayaa xusuustay waqtiyadaas. “Laakiin wuxuu ii sheegay inay meel walba ka weerarayaan.”

Johnson wuxuu sheegay inuu u soo bandhigay inuu ka caawiyo hogaamiyaha Ukraine inuu u qaado meel nabdoon, “Ma uusan aqbalin dalabkan. geesinimo ayuu ka doortay,” ayuu yidhi.