Haweeney la timid farsamo cusub oo lagu qisho imtaxaannada oo ay booliiska caalamiga ah ku raad joogaan

0

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray digniin ku socota haweenay ka dambaysay fadeexad wayn oo ah qish imtixaan oo ka dhacday dalka Singapore taas oo loo adeegsaday telefoono iyo sameecado ardayda dhagaha loo galiyay.

Poh Yuan Nie oo 57 jir ah ayaa waxaa arrintan la waday saddex nin oo kale, kuwaas oo dhammaantood xabsiga la dhigay.

Poh, oo ah maamulihii hore ee xarun waxbarasho oo maxalli ah, ayaa lagu waday inay u bilaabmato 4 sano oo xarig ah bishii Sebtember , balse waa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay oo isma aysan soo dhiibin.

Waxaa loo malaynayaa inay ka baxsatay dalka Singapore.

Booliiska ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Poh, oo sidoo kale loo yaqaan Pony, bishii November ee sanadkii anau soo dhaafnay.

Laamaha ammaanka ee dalka Singapore ayaa imika miciin biday booliiska caalamiga ah ee Interpol si ay gacan uga siiyaan in bal la ogaado halka ay ku sugan tahay haweeneydan. Digniinta ay soo saartay imika Interpol waa codsi ku socda hay’adaha fulinta sharciga ee adduunka si loo soo qabto haweeneydan looguna so gacan galiyo dowladda Singapore si sharciga ay u wajahdo.

Fadeexaddan ayaa dhacday bishii October 2016, intii loo fadhiyay imtixaannada Jaamacadaha. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, xaruntii ay maamulaysay Poh ee loo yaqaanay Zeus Education Center waxay ku hawlanayd inay siiso waxbarasho 6 arday – da’doodu tahay 17 ilaa 20 – si ay gacan uga siiso inay ku guuleystaan ​​imtixaanadooda ayna u galaan kulliyadaha farsamada gacanta .

Poh waxa la siiyay lacag dhan $6,100) ardaygiiba, iyo sidoo kale S$1,000 oo ah khidmadaha gelitaanka imtaxaanka. Waxaa lagula balamay in haddii ardeyda ay imtaxaanka ku dhacaan ay lacagta soo celin doonto. Ardaydan oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha – ayaa ku galay imtaxaanka goobo kala duwan iyaga oo oo dhagaha loo galiyay sameecado ku xiran taleefoono.

Taleefannada gacanta iyo aaladaha Bluetooth-ka ayaa waxaa jirkooda ku dhajiyay haweeneydan lagu magacaabo Poh iyo dadkii la socday, waxayna si aan muuqan ugu qariyeen dharkooda hoostooda.

 

Poh saaxiibteed hore Tan Jia Yan, oo markaa ahayd 30 jir , ayaa sidoo kale u fadhiisatay imtaxaanka. Waxay kama ku dhajisay xabadkeeda waxa ayna ka dib ku daday dharkeeda oo ay ku qarisay.

Using FaceTime, Tan broadcast a livestream of the papers to Poh, her niece Fiona Poh and an employee Feng Riwen, who were waiting at the tuition centre. jawaabaha imtaxaanka oo laga soo shaqeeyay ayaa waxaa ardeyda loogu gudbiyay taleefoonada gacanta. “Haddii aan si fiican u maqlay, waa inaan iska aamusaa, haddii kale, waa inaan qufacaa,” ayuu yiri arday ka mid ah dadkii qishkani lagu qabtay. Qishkan ayaa la ogaaday ka dib markii kormeeraha imtixaanku uu maqlay dhawaaqyo cod iyo shanqar aan caadi ahayn oo ka imanaysay mid ka mid ah ardayda.

Mid ka mid ah ardaydii qishka lagu qabtay oo marqaati bixinayay ayaa sheegay in macallimiinta ay ku cadaadiyeen inuu qish sameeyo, isla markaana “uusan ku dhiiran” inuu u sheego inuusan doonayn inuu ka mid noqdo dadka qishaya.

Sannadkii 2020, Poh, abtigeed iyo Feng ayaa lagu helay 27 dacwadood oo qish ah. Waxaana mid walba lagu xukumay xabsi u dhexeeya laba ilaa afar sano.

Waxa meelo kale ka dhacay fadeexado qishka imtaxaanada la xiriira taasi oo loo adeegsaday tignoolajiyadeed casriga . Sannadkii 2016-dii, ardayda barata caafimaadka ayaa dalkaasi Thailand la qabtay iyagoo isticmaalaya kamarado iyo saacado smartwatches oo wata macluumaad kaydsan si ay u qishaan imtixaankooda.