Iran: Dalalka ay ka iibiso shidaalkeeda iyo hababka ay uga dhuumato cunaqabataynta saaran

0

Xilli uu dalka Iran la tacaalayo qalalaasaha bulsho iyo sicir barararka baahsan ee curyaamiyey dhaqaalaha dalka, ayaa haatan waxay dawladda Iran ay sare u qaadday, shidaalka ay ka iibinayso dalka Shiinaha, iyada oo ku siinaysa qiime aad u jaban.

Dawladda Iran ma daabicin wax tiro-koob ah oo la xidhiidha iibka shidaalkeeda, hase ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Tehran ay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay kor u qaaday dhoofinta shidaalka, oo ay gaadhsiisay in ka badan 1.2 milyan oo foosto maalintii.

Shidaalka dalka Iran ayaa la geeyaa suuqyada dalka Shiinaha iyada oo la adeegsanayo habab kala duwan, oo dalka Iran uu kaga dhuumanayo cunaqabataynta caalamiga ah ee ay ku soo rogeen wadamada reer galbeedku.

Mahdi Ghodsi oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan machadka Vienna ee daraasaadka dhaqaalaha caalamiga ah ayaa VOA u sheegay in “maamulka Iran, inuu hadda khibrad u leeyahay inuu ka gudbo cunaqabataynada” lagu soo rogay.

Iran ayaa ka mida shanta waddan ee ugu sarreeya ee soo saara saliida caydhiin, waxayna soo saari karaan in ka badan 3.5 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii, sida ay sheegtay Waaxda Maamulka Tamarta ee Maraykanku.

Inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn, dakhliga uu dalka Iran ka sameeyo shidaalka uu soo saaro, haddana xogaha ayaa muujinaya inay ka helaan lacag u dhexeysa $15 bilyan illaa $30 bilyan sannadkii.

Umud Shokri oo falanqeeya arrimaha tamarta ayaa sheegay in dakhliga shidaalka ee dalka Iran oo hore u ahaa illaa $100 bilyan inuu hoos ugu dhacay illaa $8 bilyan, ka dib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii hubka nukliyeerka ee dalka Iran, sannadkii 2018.

Warbixintan waxaa qoray Akmal Dawi