Shirkada Telesom Oo Ku Guulaysatay Shahaado Caalamiya Ah Oo La Xidhiidha Nidaamka Maaraynta Amniga Macluumaadka!

0

Shirkada Isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom ayaa noqotay shirkii Uhoraysa ee laga leeyahay Somaliland eek u guulaysta shahaado caalami ah oo la xidhiidhka Sugida Dhicana Nidaamka Maaraynta Abniga Macluumaadka.

Waxa sharaf noo ah in aannu ku guulaysannay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka “Information Security Management System” iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.

ISO/IEC 27001 waa mid kamid ah nidaamka ugu fiican adduunka ee loo isticmaalo maaraynta amniga macluumaadka, taasi oo ku siinaysa in aad hirgeliso qaababka ugu fiican ee xogta loo ilaaliyo isla markaana kor loogu qaado heerka ka hortaga khataraha la xidhiidha ammaanka xogta.

Shahaadadani waxa ay ka dhigantahay in hab-maamulka, hab-raacyada iyo tiknoolajiga shirkadda Telesom isticmaashaa uu yahay mid waafaqsan nidaamyada iyo halbeegyadda caalamiga ah ee ilaalinta xogta iyo amniga tiknoolajiga.

Marwalba waxa aannu hormuud u nahay bixinta adeegyo tayo leh oo laysku hallayn karo.

Certi-Trust Facebook: shorturl.at/kDFIX

Certi-Trust Linkedin: shorturl.at/gmOVZ

#TelesomISO27001_Certified

#ConfidenceInTheDigitalEra

#ConfidenceInDigitalSomaliland