Waddamada Islaamka oo si adag uga fal celiyey Gubista Qu’aanka ee Sweden ka dhacday

0

Nuqul Kitaabka Qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dibad bax sabtidii ka dhacay dalka woqooyiga Yurub dhaca ee Sweden.

Inkastoo dhacdadan oo kale aanay hadda ugu horeenin hadana caalamka ayaa si weyn looga fal celiyey dhacdadan.Waddamada islaamka ee ka fal celiyey waxaa ka mida Turkiga, Sucuudiga, Pakistan iyo Qatar oo aad u cambaareeyay falkan.

Xilli uu turkigu cambaareynayey falkan ayuu ku tilmaamay dhacadan fal karaahiya ah.

Waxa uu Turkigu sidoo kale ku tilmaamay go’aanka ay dawladdu Sweden ku ogolaatay dhacdadan inay tahay mid sharci ahaan laga hor imaan karo.

Waxaanse markii horeba wanaagsanayn xiriirka diblomaasiyadeed ee labadan dal mudooyinkii u dambeeyay.

Turkiga ayaa Sweden ka dalbaday inay hor istaagto mudaharaadada noocan oo kale ah halka Wasiirka difaaca ee Sweden Paul Johnson oo booqashu ku tagi lahaa Turkiga uu baaqday. Turkigu waxa uu sheegay in socdaalkani aanu wax macno ah lahayn.

Paul Johnson ayaa Arrinkan wax ku saaabsan soo dhigay bartiisa Twitter-ka “Waxaan shalay kula kulmay saldhigga ciidamda Maraykanka ee ku yaal magaalada Jarlmalka ee Ramstein Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar , waxaan go’aansannay inaan dib dhigno kulankii aan ku ballansanayn inuu Ankara ka dhoco, ilaa mar dambe.”

Qormo kale oo uusoo dhigay isla bartiisa Twitter-ka ayu uku yiri “ xiriirka Sweden kala dhexeeya Turkiga aad ayuu muhiim noogu yahay. Waxaan filaynaa inaan yeelannno wada hadallo ku saabsan arrimaha difaaca goor dhow.”

Ka bood Twitter boggan, 1

Pål Jonson
@PlJonson

Follow

Yesterday I met with my Turkish counterpart Hulusi Akar at the US military base in Ramstein, Germany. We decided then to postpone the planned meeting in Ankara until later. (1/2)