Nin hubaysan oo 10 qof ku dilay gobolka California ee dalka Maraykanka

0

MONTEREY PARK, California – Nin hubaysan ayaa 10 qof ku dilay magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Maraykanka, ninkan ayaa weerar ku qaaday goob ay ka socotay xaflad loogu dabbaaldegayo sannadka cusub ee tirsiga dayaxa, kaas oo ay xusaan bulshooyin kala duwan, oo badankoodu ka soo jeeda qaaradda Aasiya, sida bulshada Shiinaha oo kale.

Ninka hubaysan ayaa isku dayay inuu u sii gudbo qol kale oo ay xafladi ka socotay, hase ahaatee uma suuro gelin inuu beegsado, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka California. Haatan waxaa socda baadigoob la doonayo in lagu soo qabto eedaysanaha dilkan geystay.

Taliyaha booliska ee degmada LA Sherrif Robert Luna ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay shan haween ah iyo shan nin, halka lagu dhaawacay illaa 10 qof oo kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro nin hubaysan oo gudaha u galay goob kale oo xafladi ka socotay. Illaa haatan ma cadda inuu xidhiidh ka dhexeeyo labada dhacdo, hase ahaatee masuuliyiinta Los Angelis ayaa aaminsan in hal eedaysane loo malaynayo inuu wada fuliyey labada dhacdo, kaas oo ah, nin u dhashay qaaradda Aasiya.

Associated Press