Dhakhaatiirta ilkaha oo ka digay arrin ay sameeyaan dadka qaar

0

Dhakhaatiirta ku takhasusay ilkaha ayaa BBC u sheegay in qalabka caagga ah ay dadka ilkaha ku xirtaan uu saameyn ku reebo ilkahooda, qalabkan ayaa laga codsadaa Online-ka.

Mid kamid ah dadka isticmaala qalabka ilka-gashiga ayaa sheegay in ilkihiisa ay nuglaadeen isla markaana uu awoodi waayay in uu cuno tufaaxa.

Smile Direct Club, oo ah shirkadda ugu weyn ee iibisa qalabkan, ayaa sheegaysa in uu toosiyo ilkaha si ka dhakhso badan isla markaana ka qiimo jaban birihii ilkaha la gashan jiray.

Shirkadda waxay intaa raacisay in dad badan oo adeegsaday qalabka ay ku guuleysteen.

Laakiin dhakhaatiirta ilkaha qaarkood iyo dhakhaatiirta lafaha waxay aaminsan yihiin in macaamiisha waxa loogu yeero daryeelka ilkaha aysan ka warqabin waxyeellada ay keeni karaan birahan loo yaqaanno aligners haddii uusan qofka ku rakibin dhakhtar aqoon u leh arrintaas.

Jamie, oo ah aabbe kasoo jeeda Glasgow, ayaa u tagay dhinaca Smile Direct Club (SDC) ka dib markii laga soo xigtay uu ilkihiisa in uu toosiyo uu ku bixiyay £4,000-£6,000 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.

Shirkadda orthodontics-ka ee adeegyadeeda ku iibisa Online-ka fadhigeeduna yahay Maraykanka ayaa bixinaysay qalabka ilkaha la gashto ee cad, waxayna dadka ka qaadeysa ailaa £1,800 lacagta giniga Ingiriiska ah iyada oo aan loo baahnayn in la arko dhakhtar ku takhasusay.

Sida laga soo xigtay xarunta Smile Direct Club, waxay sare u qaadeen helitaanka qalabka daryeelayo ilkaha iyo afka “waxaana u suurtogashay inay dawo siiyaan in ka badan 1.8 milyan oo qof, iyadoo dadka adeegsaday aysan wax dhibaato kala kulmin”.

Tufaaxa ma ruugi karo’

Laakiin Jamie hadda waxa uu sheegay in uusan mar dambe adeegsan doonin. “Ilkaheyga xitaa kuma ruugi karo tufaaxa sababtoo ah uma maleynayo in ilkheyga ay sidii hore ka xoog badan yihiin,” ayuu yiri.

Kahor inta uusan bilaabin daawaynta waxaa loo soo diray xirmo qalabka ah si uu ugu qurxiyo ilkihiisa.

Laakiin lix bilood ka dib, wuxuu barta Reddit kusoo qoray: “Mid kamid ah dhoolasheyda ayaa marooray, ciridkeyga qaab kale ayuu u ekaaday waxay u muuqatay in qalabka uu xoqay ilkaheyga, waxaana i xanuunay ciridka”.

Sida caadiga ah waxay aheyd in qalabka loogu talagalay in ilkaha la gashto ay dhakhatiir takhasus u leh dadka u geliyaan, dhakhaatiirtana waxay eegaan caafimaadka unugyada adag iyo kuwa jilicsan ee afka, ilkaha iyo cirridka, iyo haddii xididdada ilkuhu ay sii wadi karaan dhaqdhaqaaqa, waa qaar ka mid ah arrimaha ay dhakhaatiirta ilkuhu tixgeliyaan, waxayna adeegsadaan raajito.

Marka qof bilaabo xirashada biraha ilkaha, ballamaha joogtada ah ee uu la sameynayo dhakhaatiirta waxay u oggolaanayaan in lala socdo xaaladda caafimaad ee qofka.

 

Dr. Victoria Sampson oo ah dhakhtarad ilkaha qaabilsan ayaa sheegaysa in dadka isticmaala qalabkan ay dhayalsan karaan dhibataada ka dhalan karta. haddii baaritaan lagu sameynayo ciridka iyo ilkaha, dadka waxay halis u yihiin inay lumiyaan qaar ka mid ah ilkahooda.

Waxay sheegtay in ay daweysay qof iligga hore uu ka dhacay ka dib markii uu adeegsaday qalabkan ilkaha la gashto ee laga dalbado Online-ka sababta qofkaas si deg deg ah ayuu ilkahiisa uga bixiyay qalabka.

Waxay intaa raacisay in xididdada ilkaha ay ku fadhiyaan ay aad u gaaban yihiin sidaa darteed uma adkeysan karaan cadaadiska qalabkan.