Maqalaay warlaay malaguu waramay,
Hargeysa{Biyoguure News}Shirkii dhawaanta ka dhacay magaalada jigjiga wuxuu ahaa mid lagasoo qorsheeyay debada ama qurbaha oo ujeedadiisu ahayd in lagu wax yeeleeyo jamhuuriyada somaliland, waxaana kaabayaal u ahaa maamulka butland iyo cadowga is qariya ee ka xun qadiyada somaliland iyo horumarka ay samaysay, Dagaalkan qaawan ee lagusoo qaaday Somaliland wuxuu daba socdaa markii dhawaanta madaxwaynaha maraykanku saxeexay xeerka Amniga ee iskaashiga USA iyo Somaliland, Sidaynu la socono wiigii tagay Naagta isirkeedu kasoo jeedo majeerteeniya Ilhaan Cumar waxay booqatay Garoowe iyo Xamar qorshaheeduna wuxuu ahaa sidii somaliland hagrdaamooyin loogu gaysan lahaa caalamakana loo tusi lahaa in aan somaliland Nabad galyo ka jirin,Ta labaad waxaan la ognahay in shirkada caalamiga ah ee Genel Energy aay ku guulaystay sahamintii shidaalka oo ay waday mudo 10 sano ah iminkana aay daboolka ka qaaday in daloolin doonto Ceelkii ugu horeeyay ee shidal ah ee laga qodo jamhuuriyada soamliland, dhaqaalaha soo kordhaya laftigiisa dagaal kani waa ka qayb waxse iga yaabiyay oo dadka Aqoonta lihi is waydiinayaan maxa isku beegay booqshadii madaxwayne Geele iyo warqadii xasan sheekh ee ahayd faro galinta Ceelasha shidaalka ee ku yaal somaliland, Fiishii ayay tidha soomalidu,