Shan faa’ido oo cajiib ah oo laga helo cuntooyinka kasoo go’a dhirta

0

Cuntooyinka kasoo go’a dhirta waxaa laga helaa faa’iidooyin caafimaad maadama ay ku jiraan nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh jirkeena.

Cuntooyinka dhirta kasoo go’a sida khudaarta waxaa hodan ku ah maadooyin isugu jira, folate, fiitamiin C iyo E iyo macdanta potassium iyo magnesium. Dadka aan cunin hilibka waxaa caafimaad ahaan u wanaagsan inay qaataan khudradda iyo miraha kala duwan. Waxaan halkan idiin kuugu soo gudibeynaa shan faa’ido oo laga helo cuntooyinka kasoo go’a dhirta:

 

Waxay ka caawineysaa in qofka uu dhimo miisaankiisa

Daraasado la sameeyay ayaa muujinayaa in dadka badsada cuntooyinka kasoo go’a dhirta uu isbaddal ku yimid miisaankooda, tusaale ahaan, cilmibaaris lagu sameeyay muddo 18 toddobaad gudahood ayaa muujineysaa in dad khudradda badsaday oo lagu wareystay daraasadda uu miisaankooda hoos u dhacay in ka badan 4.2 kiilo.

Markaa, cuntooyinkan waxaa ku yar dufanka, qofka wax welwel ah kama qabayo in uu iska yareeyo cuntooyinka dufanta leh iyo kuwa ay ku badan yihiin maadada Calories.

Caafimaadka wadnaha ayay xoojiyaan

Cunidda cuntooyinka kasoo go’a dhirta ah sida miraha oo dhan, digirta iyo khudaarta waxaa la xiriiriyay inay hoos u dhigaan halista ku aaddan cudurrada wadnaha gaar ahaan istaroogga.

Waxay isku dheelitiraan heerka sokorta jirka

Qaadashada cuntooyinka dhirta kasoo go’a waxay u fiican yihiin dadka qaba xanuunada macaanka. Cuntooyinkan waxay yareeyaan halista ah inay dadka uu ku dhaco nooca 2-aad ee cudurka macaanka. Sida haruurka wuxuu qofka ka caawinayaa inuu dejiyo heerka sokorta dhiigga sababta oo ah waxay caawiyaan dheefshiidka. Haddii aad rabto in uu isku dheelitirnaado heerka sonkorta ee dhiiggaaga , waa in aad badsataa haruurka.

Waxay yareeyaan halista in qofka uu ku dhaco kansarka

Cuntooyinka dhirta kasoo go’a sida digirta, miraha iyo khudradda ayaa la sheegay inay hoos u dhigaan halista in qofka uu ku dhaco kansarka, waxayna dhakhaatiirta dadka ay kula taliyaan inay iska yareeyaan cuntooyinka gasacadeysan.

Waxay faa’ido u leeyihiin mindhicirada

Habka dheefshiidka wuxuu ku xiran yahay n noolaha (bakteeriyada, iyo fayrasyada) ee ku nool dheef-shiidka. Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in qofka wax ka baddalo cuntooyinka uu cuno uu si dhakhso uu isbaddal ugu imaan karo caafimaad ahaan dheefshiidkiisa, markaa cuntooyinka waxay u wanaagsan yihiin dheefshiidka iyo caafimaadka mindhicirada.