Ciidamada booliska Itoobiya oo galay magaalada Mekelle

0
Booliiska federaalka Itoobiya ayaa Khamiistii howlgal ka bilaabay caasimadda gobolka Tigray ee ay dagaalladu aafeeyeen markii ugu horreysay muddo 18 bilood ah, sida ay booliisku sheegeen, taasoo calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee heshiiskii nabadeed ee la gaaray bishii Novermber.

“Iyadoo laga duulayo awoodda uu siiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, si ay u ilaaliyaan hay’adaha federaalka waxay galeen Mekele oo ay shaqo bilaabeen”, ayaa lagu yiri bayaan ay haya’dda Booliska Itoobiya soo dhigtay barteeda Facebook.

“Waxay boolisku siinayaan ammaan dammaanad qaad ah hay’adaha fedeeraalka, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, korontada, adeegyada isgaarsiinta, bangiyada iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegga bulshada” ayuu raaciyay warsaxaafadeedkan.

Dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Tigrayga ayaa biloowday bishii Novermber ee 2020, iyada oo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamo u diray gobolka waqooyi kadib markii uu ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) inay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada.

Qiyaasta khasaaraha ayaa aad u kala duwan, iyadoo Mareykanku uu sheegay in dad gaaraya nus milyan qof ay ku dhinteen.

Colaadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay mid ka mid ah masiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa caalamka muddooyinkan dambe, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Heshiiskii 2-dii November lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa dhigaya in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada TPLF, dib u soo celinta maamulka federaalka ee Tigray iyo in dib loo furo gelitaanka gobolka.

AFP