Muxuu yahay muranka ku saabsan faraha digaagga ee u dhaxeeya dowladda Masar iyo shacabkeeda?

0

Mac’hadka nafaqooyinka qaran ee dalka masar ayaa bartiisa facebook soo dhigay, qoraal ku saabsan ‘’dhowr cunto oo qani ku ah nafaqooyin kala duwan oo qiima ahaanna la goyn karo” khaasatan lugaha digaagga.

Joornaalada iyo mareegaha wararka ee dawladda masar ayaa sidoo kale daabacay war bixinno ka hadlaya ”faaiidada lugaha digaagga” iyaga oo  soo xiganaya qoralkii mac’hadkku soo dhigay bartiisa facebook.

Arrintan ayaa hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada iyada oo ay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Dadka qaar ayaa ka shakisan in arrinkan uu yahay ol’ole looga gol leeyahay in dadka lagu dhiira galiyo cunitaanka cuntooyin raqiis ah badalka hilibka digaagga oo qiimihiisu kor usii kacayo, si lamid ah maciishadda iyo  iyo alaabta kale.Mac’hadka ayaa sheegay in lugaha digaagga uu leeyahay ” nafaqooyin, fiitamiinno iyo macadanno ay maqaarka dadka iyo murquhu u baahanyihiin. ”. Wuxuu mac’hadku sidoo kale sheegay in lugaha digaaggu leeyihiin macdanta Collagen oo aas’aas u ah dib usoo noolaynta unugyada, dib dhigista gabowga iyo ilaalinta caafimaadka timaha iyo cidiyaha.

Hase ahaatee mac’hadka ayaa daabacay sawirka xidigga kubadda cagta reer boortaqiis Christiano Ronaldo oo dhoola cadaynaya asagoo uu hoos yaal saxan lugaha digaagga ah. Balse baadhitaan kadib waxaa la ogaaday in cuntada sawirka saxda ah ka muuqatay ay ahayd hilibka digaagga ee caadiga ah.

Sawirka ayuu markii dambe mac’hadku ka saaray barta, kadib markii dadka baraha bulshada caanka ka ah ay dhaleeceeyeen.

Qoraaga reer masar , ahna khabiir dhanka siyaasadda bulshada ah, Camar Cali Xassan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay qoraal uu ku yiri  ‘’kadib markii ay burburiyeen ganacsiga hilibka digaagga oo masar ay caan ku ahayd, ayey hadda sheegayaan faaiidada lugaha digaagga.’’

Halka madaxa waaxda ganacsiga gudaha ee wasaaradda adeeg bixinta Cabdul-muncim Khaliil oo wareysi siiyey telefishiin maxalli ah uu sheegay in lugaha digaagga ay “cunno qaali ah” yihiin, taasoo keentay iney siddeed shirkadood oo Masar laga leeyahay ay lugaha digaagga u dhoofiyaan dalka Shiinaha.

Madaxa beeraleyda Masar Xuseen Abu-Saddaam wuxuu si weyn u cambaareeyey in shacabka loogu yeero iney cunaan lugaha digaagga iyada oo la ogyahay qiimaha hilibka digaagga inuu sare u kacay.

Masar ayaa la dhibaataysan dhaqaale burbur  waxayna dhawaan heshiis la gashay hay’adda lacagta aduunka ee IMF si qaahiro loo siiyo saddex bilyan oo dolar, marka lagu daro xirmo kale oo uu ka mid yahay hal bilyan oo doollar oo laga helayo Sanduuqa Joogteynta iyo Adkeysiga ee hay’adda iyo shan bilyan oo doollar oo ka timid waddamada iskaashiga hurmarinta. Taas oo macnaheedu yahay wadar ahaan in masar ay heshay sagaal bilyan oo doolar oo gargaar ah.

Dhaqaala burburka xooggan ee haysta dowladda Masar waxaa ugasii daray cudurki safmarka covid19 ee dunida ku habsaday iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Culeyska dhaqaale ee Qaahira soo food saarayna waxaa si weyn looga dareemayaa daldaloollada ka muuqda miisaaniyadda guud ee dalkaasi iyo iney dalku iska bixin waayo lacagaha dulsaarka deymihi lagu lahaa.

Waxayna dowladda Masar rajeyneysaa lacagta 9 bilyan ee doolar oo ay ka sugeysa IMF haddii ay hesho iney wax ka qabato sicir bararka, dhaqaalaha ay furfurto, dalka culeyska deynta ee saaranna uu iska fududeeyo, dadka ay noolashooda hooseyso ee dalkaasi ku noolna nooloshooda sare loo soo qaado.

Dowladda Masar warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay 30% dadka ku nool dalkaasi Masar iney ku jiraan xaalad saboolnimo.