Wariye Jamaal Cismaan oo sharraxay arrintii ku qabsatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

0

Axaddii la soo dhaafay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya waxay huteel ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku xannibtay weriye Jamaal Cismaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska.

 

Wuxuu sheegay in markii uu ka soo dagay garoonka siddeeddii subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen huteelka iyaga oo u sheegay inay hubinayeen in uu isaga yahay iyo inkale.

Mar uu BBC-da la hadlayay ayaa Jamaal wuxuu intaas ku daray in labada nin ay u sheegeen in ay ka socdaan Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya (NISA). Kadib dhawr sarkaal oo kale ayaa gudaha u soo galay huteelka iyaga oo fariistay miis yaallay bannaanka qolkiisa, sida uu yiri Jamaal.

“Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal.

Dhowr saacadood kadib ayuu xusay in mid kamid ah taliyeyaasha NISA uu qadka taleefanka kala hadlay, una sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay maaddaama uu bartamihii sanadkaan barnaamij ka soo sameeyay Ururka al-Shabaab, wareysina la yeeshay madaxa Amniyaatka kooxda, Mahad Karatee.

“Sarkaalka NISA ayaa si kooban iigu sheegay: “Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqadaha [sharciga] muhiim ma ahan”.

Wuxuu sheegay in mar dambe ay ku amareen in uu dib ugu noqdo London. Subaxii isniinta ayuu Muqdisho ka raacay duullimaadka Turkish Airlines.

Jamaal ayaa intaa ku daray in uu Muqdisho u yimid si uu u sameeyo barnaamij la xiriira tacaddiyada lagula kaco haweenka.

Dhowr bil ka hor markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo dhanka kala ah, dawladda Soomaliya waxay soo saartay amarro ku aaddan sida ay warbaahintu u tabin doonto wararka la xariira dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan al-Cadaala, ayaa ku amray warbaahinta in aysan tabin karin wararka falalka ay geystaan Al-Shabaab, isaga oo u cuskaday in ay buunbuunin u tahay ururka.

Al-Caddaala ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeedba u sheegno, inaan u aqoonsaneyno faldambiyeed, nuuc kasta oo la xariirta baahinta falalka aragagixisada”.

Qaar ka mid ah weriyaasha iyo ururrada u dooda saxaafadda ee Soomaaliya waxay go’aankaan ku tilmaameen mid xaddidaya madaxbanaannida warbaahinta.

Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha Ururka Somali Journalists Syndicate ayaa kamid ah dadka dhaliilay go’aankan. “Wareegtada dawladda, waxaa laga yaabaa in ay dhaliso in la xannibo awooddii ay saxafiyiintu u lahaayeen in ay si xor ah u tabiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah al-Shabaab” ayuu yiri Cabdalla oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Muqdisho.

Laakiin maalmo kadib markii uu hadalkaan yiri, ayaa la xiray isaga oo ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waxaa la geeyay maxkamad, laguna eedeeyay in uu jabiyay go’aankii ay soo saartay dawladdu. Mar dambe ayaa damiin lagu siidaayay, iyada oo aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin dacwaddiisa. Cabdalla wuxuu sheegay inuusa hadda xor u ahayn inuu ka safro magaalada Muqdisho.

Maxaa hadda u qorsheysan Jamaal?

Jamaal ayaa sheegay inaysan dembi ahayn in la wareysto hoggaamiyeyaasha Alshabaab, isla markaana ay bulshada dan u tahay in su’aalo la weydiiyo dagaal-yahannada sida Alshabaab.

“Arrintan igama hor istaageyso inaan guto howsheyda saxaafadeed, inaan booqdo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin meelaha ay Alshabaab maamusho iyo inaan wareysto hoggaamiyeyaasha kooxda. Soomaaliya waxay u baahan tahay warbaahin xor ah in ka badan intii ay hore u baahneyd.” Ayuu yiri Jamaal.