Yaa Ku qanciyay madaxwaynaha Eritrea in uu dib u celiyo wixii ka hadhay 5000 ee dhalinyarada ahaa uu tabobaray

0

Hargeysa {Biyoguure News}Maaxwaynaha Dawlaa Fedaraalka ah ee Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in wixii ka hadhay ciidamadii lagu tabo barayay dalka Eritrea ay mudo 40 casho ah dalka kusoo laaban doonaan, Hadalkan oo uu duubay shan casho ka hor ayaa iminka warbaahinta loo bandhigay

Hadaba sida la og yahay maaxwayne Xasan sheekh intii uu  sanadkan xilka hayay labo jeer ayuu tagay Dalka Eritrea laakiin sida xogta hoose lagu hellay way usuuro gali wayday xal kasta oo ula tagay  maaxwaynaha Eritrea in uu ciidamadaasi soomalida iska soo celiyo,oo wuxuu kolba ku qancinayay bilaha soo socda ayaanu udiyaar garoobaynaa celintooda oo hawla ay nagag soo dhamanayaan laakiin arinku wuxuu umuuqday Illa meerayso waqti Riix ah,

Maaxwaynaha Somaliya  wuxuu Arinkan kala tashaday oo uu uga xog waramay sida xog muhiima aanu ku helnay madaxwaynah Kenya  Wiliam Rutu oo usoo bandhigay siday uwada hadleen madaxwaynaha Eritrea waxaanu ka cosaday in Ruru ahaan uu arinkaasi kaga ergeeyo ama Odayeeyo sidii dhalinyaradaasi dhiban loogusoo celin lahaa dalkooda,

Illaa iminkana lama oga shuruudaha ku xidhnaa soo celinta dhalintaasi oo xukuumadii farmaajo ku khiyaamaysay safarkooda  oo loogu sheegay dalka Gadar laakiin laga dejiyay dalka shuuciga cusub ah ee Eritrea, Waqti xadirkana lama oga wax dhintay iyo inta ka nool maadaama ay ka qaybqaateen dagaaalkii ka dhacay gobolka Tigreyga,