Waa tuma gabadha qaadday Koobka Quruxda Adduunka 2022?

0

“Gabadheyda waxay ka dhabeysay riyadeyda. Markii la doortay markii saddexaad, wadnaheygu si xoog ah ayuu u garaacmayay. Haatan wax kale kama doonayo Ilaahey” ayuu yiri GS Kaushal, oo ah aabbaha Sargam.

“Markii ay muraayadda isku eegto ee ay labisato, waxay u muuqatay mid heer gaari doonta. Inkastoo ay caato ahayd, way ka cago jiideysay inay tartankan oo kale ka qeyb gasho. Balse shaqada adag ee Sargam iyo kooxdeeda, ayaa suurto gelisay arrintan. Tani sharaf ayay noo tahay. Sargam kleiya koru ma qaadin magaca Hindiya balse sidoo kale keenna ayay sare u qaadday.”- Meena Kaushal, oo ah hooyada Sargam ayaa sidaas tiri.

“Qeyb ayaan ka ahaa guddiga dooranayay ka qeyb galayaasha Hindiya. Waxaan sheegay in Sargam ay rajo leedahay markaanna aan heli doonno cinwaankaas.” Ayay tiri Aditi Govitrikar, oo hore koobkan u qaadday.

Sargam Kaushal oo Hindiya ka soo jeedda ayaa ku guuleysatay Gabadha ugu Quruxda Badan Adduunka ee 2021-2022 kaddib tartan ka dhacay Las Vegas, USA.

Sargam oo warkan ku shaacisay barteeda Instagram, ayaa waxay tiri, “Sugitaankii dheeraa wuu dhammaaday. Dib ayaan taajka u helnay 21 sano kaddib.

Sargam Kaushal, oo ka soo jeedda gobolka Jammu, ayaa haatan ku nool Mumbai.

Aaabbaheed GS Kaushal, oo ku sugan Jammu, ayaa u sheegay BBC, “Markii gabadheyda ay labo sano iyo bar jirtay, waxaan u arkayay qof aan caadi ahayn wejigeeduna wuxuu ahaa mid gaar ah oo dadka kale ka duwan. Waxaan rajeyn jiray inay sidoo kale ka qeyb gasho Miss Femina, balse way ka cago jiidi jirtay inay ka qyeb gasho taratama quruxda.

GS Kaushal ayaa sheegay in kaddib markii ay Sargam billowdya ka qeybgalka tartamada quruxda ay ku guuleysatay gabadha ugu qurxan Hindiya sanadkan. Kan adduunka waxaa ka qeyb galayay 51 qof.

Tartamayaasha ayaa ka soo jeeday 63 dal.

Aabbaha ayaa yiri, “Markii aan arkay dad badan oo ka qeyb galaya tartankan heer calami, waxaan is iri Sargam kuma guuleysan karto, balse kalsoonideeda ayaa awood i siisay. Ilaa 44 tartameyaal ah ayaa wareegga hore ku haray.

“Dhammaanteen waxaan ka daawaneynay telefishinka, markii ay soo gashay kaalinta sdadexaadna, haba na weydiin xaalkeennu siduu ahaa.”

Taariikhda Tartanka Quruxda Hablaha ee Adduunka

Tartanka quruxda ayaa la bilaabay sanadkii 1984 waxaana loo sameeyay haweenka la qabo.

Aditi Govitrikar ayaa sheegtay in haweenka la qabo la doonayay inay fursad ka helaan waxyaabaha lagu madadaasho ee adduunka.

Sida xogta lagu hayo, David Marmel ayaa billaabay tartankan.

Haweenka ka soo jeeda Mareykanka, Sri Lanka, Peru iy Ruushka ayaa siddeed jeer ku guuleystay tartankan.