Silis dahab ah oo jira in ka badan kun sano oo laga helay qabri dhexdiisa

0

Khubarro ku takhasusay ciidda ayaa helay katiinad dahab ah oo muhiim ah, taasoo taariikh ahaan la xiray jiray sanadihii 630-670 AD waxayna ku tilmaameen tii ugu qaalisaneyd ee abid laga helo gudaha Britain.

Katiinaddan, oo laga helay meel u dhow Northampton, ayaa waxay ka sameysan tahay shilinka Roman, dahab iyo dhagaxyo kale oo qaali ah.

Waxay jirtaa 1,300 oo sano waxaana lagu arkay qabri loo maleynayo inay ku aasan tahay haweeney maqaam sare lahayd, sida boqortooyo.

Khubarrada ayaa ammaanay helidda katiinaddan, iyagoo ku tilmaamay inay dunida muhiim u tahay.

Khubarrada oo ka tirsan matxafka Museum of London Archaeology (Mola) ayaa katiinadda ka helay goob uu ka socday dhisme guri, oo ku taalla Harpole, galbeedka Northampton.

“Markii aan aragnay dahab ka soo muuqday ciidda waan garannay inay tahay wax muhiim ah ayay tiri Levente-Bence Balazs, oo horkacaysay kooxda ka socotay Mola.

“Si kastaba, ma aynaan garan sida uu muhiim u noqon doono sheygan.

“Nasiib ayaan leennahay inaan adeegsanni qaababka casriga ah ee lagu taxliiliyo meelaha ku hareereysan qabriyada si aan u ogaanno nolosha qofkan.”

Qabriga waxaa sidoo kale laga helay labo digsi oo la qurxiyay iyo saxan ka sameysan maar.

 

Si kastaba, raajo la saaray aagga ciidda qabriga ayaa waxaa sidoo kale lafu arkay in gudaha qabriga aad loo qurxiyay.

Khubarrada Mola ayaa sheegay in laga yaabo in haweeneydan ay ahaan jirtay hoggaamiye dhanka diinta Kirishtaanka ah.Khubarrada ayaa sheegay in qalfoofta ay gebi ahaanba baaba’day marka laga reebo jajab ilko ah. Si kastaba, waxaa la ogaaday in qabrigaas ay ku aasneyd haweeney aad loo xushmeeyo sida qof ka soo jeedda boqortooyo.

Dhowr katiinad ayaa hore looga helay qyebo ka tirsan England, balse lama mid ahayn tan oo kale.

Simon Mortimer, oo ah la taliye dhanka baaritaannada ciidda lagu sameeyo, ayaa yiri: “Tani runtii waa baaritaan mar la arag ah – sida waxyaabaha aad buugaagta ka akhrisan jirtay mana aha wax aad filaneyso inay ka soo bixi doonaan dhulka hortaada ah.”

Katiinaddan ayaa loogu deeqi doonaa Xarunta Kheyraadka Ciidda ee Northamptonshire ee dalkaasi UK.