Madaxweyne dalkiisa amar lama filaan ah uga dhawaaqay oo xabsiga la dhigay

0

Madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee dalka Peru, Pedro Castillo ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay kacdoon iyo shirqool uu ku jabiyay nidaamka dastuuriga ah.

 

Mexico ayaa sheegtay in haddii  Mr Castillo uu magangelyo weydiisto ay siinayaan.

Warbaahinta maxalliga ah ee Peru ayaa sheegtay in markii la xirayay uu ku sii jeeday safaaradda Mexico ee magaalada Lima.

Pedro Castillo ayaa lagu beddelay haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ahayd ee lagu magacaabo Dina Boluarte ka dib markii xil ka xayuubin lagu sameeyey.

Dalka Peru ayaa yeeshay madaxweyne dumar ah markii ugu horreysay, ka dib markii madaxweynihii hore ee Pedro Castillo xilka laga qaaday – tallaabadaas oo timid saacado ka dib markii uu isku dayay inuu kala diro baarlamaanka.

Gelinkii hore ee maalinimada ee xiliga dalkaasi, Castillo ayaa wuxuu sheegay inuu Congress-ka ku beddelayo “dawlad degdeg ah oo gaar ah”.

Balse xildhibaannada ayaa iska dhego tiray arrintan, waxaana ay shir degdeg ah oo ay yeesheen xilka uga qaadeen madaxweynahooda. Durbadiiba Castillo waa la xiray oo waxaa lagu eedeeyay jabhadnimo.

Boluarte oo ah qareen 60 jir ah, ayaa sheegtay inay xukunka hayn doonto ilaa bisha July ee sanadka 2026-ka, markaas oo uu dhammaan lahaa waqtiga madaxweyne Castillo.

Mar ay hadlaysay dhaarinta kadib, ayay ku baaqday in la sameeyo heshiis siyaasadeed, si loogga gudbo dhibaatada dalka ka jirta.

Dhacdooyinka silsiladda ah ee Arbacadii, ayaa ku bilaabmay madaxweyne Pedro Castillo, oo khudbad ka jeediyay telefishanka qaranka, kaas oo uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu kala diri doono Congress-ka ay mucaaradku gacanta ku hayaan, iyadoo tallaabadaas ay argagax ku keentay dalka Peru – dhowr wasiir ayaa iska casilay xilalka, iyagoo ka biyo diidsan tallaabada uu qaadey Madaxweyne Castillo.

Madaxa maxkamada dastuuriga ah ayaa ku eedeeyay inuu bilaabay afgambi, halka Mareykanka uu “si adag ugu booriyay” Mr Castillo inuu ka laabto go’aankiisa.

Booliiska Peru iyo ciidamada qalabka sida, ayaa soo saaray bayaan wadajir ah, oo ay ku sheegeen inay ixtiraamayaan nidaamka dastuuriga ah.

Castillo ayaa waxa uu isku dayay inuu kala diro Congress-ka saacado yar ka hor inta aan la bilaabin dacwooyin cusub oo xil ka qaadis ah oo isaga ka dhan ah – taasoo ah tii saddexaad tan iyo markii uu xafiiska yimid bishii July ee sannadkii 2021.

Khudbad uu ka jeediyay telefishinka ayuu ku yiri: “Annaga oo ka jawaabayna dalabaadka muwaadiniinta muddada dheer ay soo jeedinayeen iyo baaxadda dalka, waxaan go’aansannay inaan dhisno dowlad deg deg ah oo ujeeddadeedu tahay dib-u-soo-celinta sharciga iyo dimuqraaddiyadda.”

Kadib xil ka qaadistii, Mr Castillo ayaa lagu arkay xarunta booliska.

Sawirrada – oo ay booliisku ku wadaageen Twitter-ka, laakiin markii dambe la tirtiray – ayaa waxaa lagu arki karayaa isaga oo fadhiya, oo u muuqda mid dabacsan, oo la sheekeysanaya kuwa kale. Muuqaalka ayaa markaa la baahiyey, iyadoo Castillo uu warqado la saxiixday xeer ilaaliyeyaal.

Dalka Peru ayaa waxa uu soo maray marxalad siyaasadeed oo qalafsan, iyadoo madaxweynayaal badan xilka laga tuuray sannadihii u dambeeyay. Dalkani Sanadkii 2020-ka, ayaa wuxuu yeeshay saddex madaxweyne muddo shan maalmood gudahood ah.

 Waa kuma Pedro Castillo?

Castillo, oo hore u ahaa macalin iskool, isagoo aaminsan afkaarta garabka bidixda ah, waxaa la doortay bishii Juun 2021-kii doorasho is-daba-joog ahayd, oo uu kaga adkaaday ninka uu la tartamayey ee garabka midig, Keiko Fujimori.

Pedro Castillo oo ku dhashay tuulo yar oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Peru, ayaa waxa uu ku soo barbaaray inuu waalidiintii aanan waxba baran ka caawiyo shaqada beerta. Markii uu ahaa arday da’yarna waxaa uu in ka badan laba saacadood u lugayn jiray iskuulka.

Ugu dambayntii waxa uu noqday macallin iskuul, shaqadaas oo uu hayay muddo 25 sanadood ah, iyo weliba hogaamiye urur ay dad ku midaysan yihiin.

Ninkan oo awoodda la wareeggay isagoon wax khibrad ah u lahayn xafiiska, ayaa 2021 waxaa loo doortay madaxweynaha Peru, iyadoo ay gadaal ka riixayeen codbixiyayaasha tuuladii uu ku soo koray.

Madaxweyne Castillo oo cannuga saddexaad ee qoys ka kooban sagaal carruur ah, ayaa waxa uu 19-kii Oktoobar 1969 ku dhashay Puña, waxa uuna macallin dugsi hoose dhexe ahaa intii u dhaxaysay 1995 illaa 2020.

Waxa uu siyaasadda galay 2002, markaas oo uu u ku guuldarraystay maayirnimo uu u tartamay, waxa uuse markii ugu horraysay ku soo shaacbaxay 2017 markaas oo ay macallimiintu shaqa joojin sameeyeen iyagoo ka cabanaya mushaarka iyo qiimaynta howsha ay qabtaanba.