Dawladda Somalia, Turkiga iyo Norway oo ka wada-hadlay dib u soo celinta wadahadaladii DFS iyo Somaliland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay wakiillo ka kala socda dalalka Turkiga iyo Norway ayaa u sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wadahadaladii u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu la wadaagay wakiilada uu la kulmay oo kala ah, danjiraha dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya mudane Mehmet Yilmaz, sii hayaha xilka danjiraha Norway u jooga Soomaaliya mudane Haakon Svane iyo wakiilada gaar ah ee dalalka Turkiga iyo Norway, sida ay dhinaciisa uga go’an tahay in dib loo soo celiyo wadahadaladii labada dhinac.

“Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, wakiillada gaar ah ee Turkiga iyo Norway ee kala ah mudane Aykut KumbaroÄŸlu iyo Heidi Johansen iyo weliba danjirayaasha labada dal ee madaxweynuhu la kulmay ayaa dhinacooda ku bogaadiyey madaxweynaha Soomaaliya sida ay dhinaciisa uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolosha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horrayso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta.