Pele: Halyeeygii reer Brazil oo ka warbixiyay xaaladdiisa caafimaad xilli isbitaal la dhigay

0

Laacibka reer Brazil Pele ayaa sheegay inuu wali yahay nin “xooggan islamarkana rejo wanaagsan qaba” xilli lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Sao Paulo.

War qoraal ah oo uu soo saaray Sabtidii ayuu ku sheegay in fariimaha taageerada iyo sidoo kale daawashada Brazil ee Koobka Adduunka ay siiyeen “awood”.

Horey ayay dhakhaatiirta u sheegeen inay “wali daweyn ku socto xaaladiisana ay deggan tahay”.

Aarrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in la geeyay qeybta daryeelka degdeg ah si loogu daweeyo.

Saaxiibayaal, waxaan rabaa in aan qof walba dejiyo oo uu wanaagga rajeeyo,” ayuu ku yiri hadal uu soo dhigay Instagram-ka.

“Anigu waan xooganahay, rejo badan ayaan qabaa, daawaynteydii caadiga ahayd ayaan qaadanayaa, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dhamaan kooxda caafimaadka iyo kalkaaliyayaasha daryeelka ay i siiyeen.

“Illah ayaan ku kalsoonahay, fariin kasta oo jacayl ah oo aan ka helay aduunka oo dhan waxay i siinaysaa tamar buuxda iyo sidoo kale daawashada Brazil ee koobka adduunka, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Pele oo imika 82 jir ah islamarkana saddex jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa isbitaalka ku jiray tan iyo Talaadadii, wuxuuna habeenkii Khamiista sheegay inay ahayd “booqasho uu bil kasta ku tago isbataalka si uu u ogaado xaaladiisa “.

Dalka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ayaa Sabtidii muujiyay taageerada uu u hayo Pele, iyagoo iftiimiyay dhismayaal ay ku xardhanaayeen farriimo loogu rajeynayo “inuu caafimaad degdeg ah helo”.

Waxa bishii Sebtembar 2021 laga saaray buro mindhicirkiisa.

Sida ay sheegeen dhakhaaiirta isbataalka uu ku jiro Pele ayaa laga helay caabuq xagga neef-mareenka ah, Jimcihiina islamarkana isbitaalku wuxuu sheegay inay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Weeraryahankii hore ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Brazil isagoo dhaliyay 77 gool 92 kulan oo uu ciyaaray waxaana uu dhaliyay afar koob adduunka ah.

Dadka reer Brazil ayaa si aad ah uga faana Bele marka ay timaado dhanka kubadda cagta.

Pelé waxaa uu heer sare ka gaaray kubada cagta iyada oo ay jirtay in uu ka soo jeeday dal dadkiisu ay sabool u badnaayeen xilligaasi.

Pelé aad buu u liitay oo qoyskiisu ma awoodin xitaa inay u iibiyaan kubbadda cagt, waxaa uuna ku ciyaari jiray banooni laga sameeyay xaanshiyo la isu ga-geeyay.

Waxaa uu kooxdiisi ugu horeysay oo ahayd Santos ku biiray isaga 15 jir ah.