Jaadhwalihii qashinka guri jiay oo sabab unoqday guusha sucuudiga

0

Guushii ay Xulka Qaranka Sacuudiga ka gaareen kulankii ay shalay 2-1 ku garaaceen Xulka Argentina oo ay isku arkeen Ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa dunida oo dhan ku noqotay mid lama filaan ah.

Waa dhab in dad badan oo ciyaaraha u dhuun daloola ay afka gacanta wada saareen balse Sacuudiga dhankiisa waxay u ahayd arrin wanaagsan, maaddaama ay dhinaca dhulka u dhigeen mid ka mid ah kooxaha sida weyn loo saadaalinayo in ay ku guuleystaan Koobka Adduunka, uuna ciyaartoydooda ku jiro Lionel Messi oo lagu tilmaamo mid ka tirsan ciyaartoydii ugu fiicneyd ee abid soo maray kubbadda Cagta.

Afar sano uun ka hor, ciyaartii ugu horreysay ee ay Xulka Sacuudiga ku billaabeen tartankii Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka waxaa Sacuudiga guul darro 5-0 ah dhabarta u saariyay Ruushka oo martigeliyay tartanka. Heerka koowaad ee Guruubyada ayaa lagu soo reebay ciyaartoydii mataleysay boqortooyada fadhigeedu yahay Riyaad.

Iyadoo taariikhdaas la xasuusto layaab malaha in qof walba uu rajeynayay in ciyaartii shalay ay si weyn ugu guuleystaan xulka Argentina oo u uku jiro Messi.

Natiijadii shalay waxay dad badan ku tilmaameen khaladaad ay sameeyeen ciyaartoyda Argentina, laakiin qaar badan oo kale waxa ay bidhaamiyeen in nasiibka ka sokoow uu jiro qof kale oo sabab u ahaa guushaas taariikhiga noqotay.

Qofkaas waa tababaraha xulka Qaranka Sacuudiga, Hervé Renard oo u dhashay dalka Faransiiska.

Ninkii mar qashinka aruurin jiray

 

Renard oo 54 jir ah waxa uu hadda ka hor isku dayay in uu sameysto xirfad ciyaareed. Isagoo 15 jir ah ayuu noqday ciyaartoy balse riyadiisa durba way soo afjarantay.

“Markii aan ka hor tagay ciyaartoy kale waxaan ogaaday in aanan ku fiicneyn kubbadda,” ayuu yiri isagoo qiraal ku sameynayay wareysi uu Wakaaladda Wararka ee Reuters siiyay afar sano ka hor.

Hase ahaatee ma uusan rajo dhigin oo wuu sii waday ciyaaraha, inkastoo uusan weligiis u ciyaarin koox weyn.

Isagoo ay da’diisu ku dhowdahay 30 sano ayuu weli kasii ciyaarayay kooxaha heerka saddexaad ee dalkiisa, umana suurtagelin in uu meel sare ka gaaro Kubbadda. Inta uusan gelin 30 sano ayuu ka fariistay ciyaaraha, waxa uuna go’aan ku gaaray in uu u go’o aruurinta qashinka iyo nadaafadda.

“Mar walba waan xasuustaa sannadahaas aan maalin walba kici jiray 3-da aroornimo si aan ugu kallaho nadiifinta dhismeyaasha. Waxay taasi iga caawisaa in aan niyad fiican u lahaado wax walba oo aan sameynayo,” ayu uku yiri Wakaaladda Wararka ee British.

Waxa uu sidoo kale qirtay in noloshiisii hore ee hooseysay ay hadda ka caawiso in uu u dul qaato cadaadiska siyaabaha kala duwan uga soo wajaha dhinaca ciyaaraha.

Haddii aysan ciyaar jirin waxaa jira tababar

Inkastoo ay u muuqatay in uu kubbadda cagta ka niyad jabay, haddana taasi may ahayn Meesha uu uga haray. Muddo ka dib Renard wuxuu billaabay inuu tababare u noqdo kooxaha yaryar. Tani waxay albaabada u furtay horumarkiisii weynaa ee ugu horreeyay: 1999-kii wuxuu la wareegay majaraha kooxda Faransiiska ee SC Draguignan oo aan xilligaas caan ahayn.

Ka dib markii uu kooxdan ka caawiyay inay kor u soo kacdo darajo ahaan, Renard waxa uu fursad tababare ku xigeennimo ah ka helay macallinka kooxda Shiinaha ee Shanghai Cosco, Claude Le Roy oo ay isku dal kasoo jeedaan, halkaas oo uu hal xilli ciyaareed ku qaatay, ka hor inta uusan la wareegin kooxda Ingiriiska ee Cambridge United , oo waqtigaas ku jirtay heerka saddexaad horyaallada Ingiriiska.

Waxa uu ka tagay Ingiriiska si uu tababare ugu noqdo kooxda ka dhisan dalka Vietnam ee Nam Dinh ka dibna wuxuu ku laabtay Faransiiska, halkaas oo intii u dhaxaysay 2005 iyo 2007 tababare u ahaa kooxda AS Cherbourg.

Hase yeeshee, wuxuu markii dambe billaabay in uu sumcadiisa ku dhisto kooxaha Qaramada Afrika. Xulka qaranka Zambia ayuu sannadkii 2012-kii kula guuleystay Koobka Qaramada Afrika, Koobkaas oo uu sannadkii 2015-kii mar kale la qaaday xulka Ivory Coast.

Sannadkii 2016-kii ayuu oggolaaday inuu tababare u noqdo Morocco, kaasoo sannad ka dib u suurtagashay inuu u soo baxo Koobka Adduunka ee 2018 oo ka dhacaya dalka Ruushka, waana markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah oo xulka waddanka Morocco tartankaas tagay.

Tan iyo 2019 waxa uu hoggaaminayay kooxda Sacuudiga, waxa uuna ilaa 20 boos sare ugu qaaday liiska kala sarreysiinta kooxaha adduunka ee Fifa.