Nin dhalay in ka badan 100 carrur ah oo dowladda iyo hay’adaha ka codsaday inay la koriyaan.

0

Warbaahinta dalka Uganda ayaa ku soo warrantay, in nin ka soo jeeda degmada Butalia ee dalkaas uu dowladda iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha ka codsaday inay ka caawiyaan korinta 102 carruur ah oo uu dhalay.

 

Ninkan ayaa waxaa la soo deristay xaalad adag oo xaga dhaqaalaha ah, taas ayaana horseeday in laba kamid ah 12-kiisa xaas ay ka tegaan.

Hasahya, oo sheegay inuu yahay ganacsade ka shaqeysta dalka Uganda, ayaa dowladda ka codsaday inay ka caawiso inay caruurta yar yar ay wax bartaan.

Ninkan ayaa ragga Uganda ugu baaqay inaysan guursan wax ka badan afar xaas.