Kim Jong-un oo soo bandhigay gabadhiisa loo maleynayo inay isaga baddali doonto

0

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa markii ugu horeysay goob fagaare ah kala soo muuqday gabadhiisa yar, isagoo xaqiijiyay warar in muddo ah la isla dhex marayay oo ku saabsan jiritaankeeda.

Gabadhan oo la rumeysan yahay in lagu magacaabo Kim Chu-ae, ayaa ku biirtay kormeerka gantaalka ballistic-ga ee isaga kala goosha qaaradaha oo Jimcihii la tijaabiyay.

Kim iyo gabadhiisa ayaa gacmaha is qabsaday intii ay socotay tijaabada, taas oo uu Mareykanka cambaareeyay.

Mr Kim ayaa hogaamiya mid ka mid ah dowladaha ugu sirta badan caalamka, waxaana aad u yar inta laga ogyahay noloshiisa gaarka ah.

 

Sawirro dhowr ah ayaa waxaa daabacday wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, kuwaas oo muujinayay gabadha iyo aabaheed oo gacmaha is-haysta oo wada shakeeneysanaya, marna mas’uuliyiin la hadlaya,.

Waxay daawanayeen tijaabada gantaallada oo laga soo ridayay meel sare.

Muuqaalka la soo bandhigay ee gabadha Kim ee Chu-ae waa mid muhiim ah, ayuu yiri Michael Madden, oo ah khabiir ku takhasusay Kuuriya Waqooyiga kaas oo ka socda Xarunta Stimson ee Washington.

Mr Kim – oo ah jiilka saddexaad ee qoyskiisa ee hogaaminaya Kuuriyada Waqooyi – ayaa addunka u iyo dadka caanka ah ee dalkiisa u muujinayay in uu weli si adag u haysto awoodda, ayuu Mr Madden u sheegay BBC-da.

Waxa uu sheegay in ay tusaale u noqon karto dariiqa in sababta uu Mr Kim u soo bandhigay gabdhiisa ay tahay inuu muujiyo inay noqoneyso ” jiilka afraad ee awoodda dalka qaban doono”.

Madden waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in Chu-ae ay da’deedu u dhaxayso 12 ilaa 13 jir, taas oo la macno ah in ku dhawaad ​​afar ilaa shan sano gudahood ay isu diyaarinayso in ay jaamacad gasho ama ay gasho shaqo ciidan.

Bishii Sebtembar, khubaro badan oo dhanka kuuriyada waqooyi ah ayaa sheegay in Chu-ae lagu soo bandhigay goobta dabaaldega Maalinta Qaranka ee dalka.

Laakiin tani waxay ahayd mala-awaal, hoggaanka Kuuriyada Waqooyina ma xaqiijin inay dhab ahaantii tahay inanta hoggaamiyaha.

Markii ugu horeysay ee Chu-ae jiritaankiisa la sheego waxay ahayd 2013, ka dib markii xiddigii Kubadda Koleyga Mareykanka ee ka fariistay Dennis Rodman uu safar muran badan dhaliyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi.

Mr Rodman waxa uu sheegay in uu wakhti la qaatay qoyska Mr Kim, isaga oo ku nasanaya badda, “uu qabtay inantooda Chu-ae”.

Khubarada ayaa rumeysan in Mr Kim uu leeyahay ilaa saddex carruur ah – laba gabdhood iyo wiil, iyadoo Chu-ae ay tahay ilmaha ugu ugu da’da weyn.

Laakin hogaamiyuhu aad ayuu ugu qarsoonaa qoyskiisa – xitaa xaaskiisa Ri Sol-ju waa la qarinayay ilaa muddo ka dib markii ay is guursadeen lamaanaha.