Taliyihii booliska gobolka Benaadir Farxaan Qaroole oo qarax miino lagu dilay

0

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni.

Allah ha u naxariistee taliye Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay halka lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha, isaga oo ku istaagay miino dhulka la galiyay.

Qaraxa kahor ayuu Farxaan Qaroole ka degay gaarigiisa oo ahaa nooca aysan xabbaddu karin, isaga oo dhiirragalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale goor dhaweyd sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

Farxaan Qaroole waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.