Maxay ka wadahadli rabaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka booqasho ku tegay dalka Itoobiya, wuxuu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyagoo ka wadahadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo amniga.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya kala hadli doonaa sidii dalalka ay u mideyn lahaayeen tallaabooyinka ka dhanka Al-Shabaab.

Inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaa ka socdaa howlgallo ay wadaan ciidamada militeriga oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay dowladda.