Maxamed Bin Salmaan oo xilkiisa lagu wareejiyay walaalkiis, isagana xil cusub loo magacaabay

0

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay xilka raysul wasaaraha, xilli isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada ee lagu dhawaaqay fiidnimadii xalay.

 

Caadiyan boqorka xilka haya ayaa qaban jiray xilka raysul wasaaraha. Maxamed Bin Salmaan ayay dad badan u arkaan inuu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee boqortooyada dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Xilka raysul wasaare ku-xigeenka ayuu horay u soo qabtay marka laga soo tago xilka wasiirka gaashaandhigga oo uu muddo dheer hayay.

Amiirkan dhallinyarada ah waxa uu dalka ku soo kordhiyay isbeddelo bulsho iyo mid dhaqan, balse waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu qaaday olole lagu bar-tilmaameedsanayo dadka ka soo horjeeda afkaartiisa.

 

Xilka wasiirka gaashaandhigga waxaa loo magacaabay walaalkiis ka yar, Khalid bin Salman, oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga.

Sida lagu xusay dikreeto uu soo saaray Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Sucuudiga, wasiirradii madaxda ka ahaa wasaarado kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo tamarta ayaa sii hayn doona xilalkoodii.

Maxamed Bin Salmaan ayaa loo dhiibay xilka wasiirka gaashaandhigga sanadkii 2015, taas oo ahayd tallaabo muhiim ah oo sare loogu qaadayay saamaynta uu ku leeyahay hoggaanka dalkaas.

Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay muddo sanado ah sidii ay u yareyn lahayd walaaca laga qabo xaaladda caafimaadka ee Boqor Salmaan oo 86 jir ah, kaasoo tan iyo sanadkii 2015 xukumayay dalka shidaalka ugu badan soo saara caalamka.

Sanadkii 2017, boqortooyadu waxay beenisay warar isa soo tarayay iyo saadaalin sheegaysay in boqorku uu qorsheynayay inuu xilka ku wareejiyo dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan ayaa sanadkan labo jeer la dhigay isbitaal, waxaana ugu dambeysay bishii May ee la soo dhaafay, xiligaas oo uu muddo toddobaad ah ku jiray baaritaanno caafimaad, sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga.