I๏ปฟsraa’iil oo soo jeedisay helista xal-nabadeed oo ay ku wada noolaan karaan Falastiin iyo Israa’iil

0

Raysul wasaaraha Israaโ€™iil, Yair Lapid, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku soo jeediyay in colaadda Falastiin iyo Israaโ€™iil laga gaaro xal ku saleysan labo dowladood oo deris ah oo nabad ku wada nool.

Yair Lapid ayaa sheegay in heshiis lala galo Falastiiniyiinta oo ku saleysan labo dowladood iyo labo shacab ah oo nabad ku wada noolaada ay tahay arrin sax ah, marka loo eego nabadgelyada, dhaqaalaha iyo mustaqbalka carruurta shacabka Israaโ€™iil.

Balse waxa uu sheegay in heshiis kasta oo labada dhinac u dhaxeeya uu ku xirnaan doono oo keliya dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo nabad la ah Israaโ€™iil, isla markaana aan khatar ku ahayn Israaโ€™iil.

Hadalkan ayaa ah mid waafaqsan mowqifkii uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka istaagay colaadda Bariga Dhexe bishii la soo dhaafay markii uu booqashada ku tagay Israaโ€™iil.

ย 

Raysul wasaarihii hore ee Israaโ€™iil, Benjamin Netanyahu ayaa durbadiiba cambaareeyay hadalka ka soo yeeray Lapid, waxa uuna ku tilmaamay mid halis gelinaya mustaqbalka Israa’iil.

Labada nin ayaa lagu wadaa in ay isaga hor yimaadaan doorashada bisha Nofeembar ee soo socota โ€“ waana markii shanaad afartii sano ee la soo dhaafay oo ay doorasho ku loollamayaan.

Raysul wasaare Yair Lapid ayaa mowqifkan horay u taagnaa markii uu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka, balse waa markii ugu horreysay oo meel fagaare ah uu ka jeediyo arrintan.

Bartamihii bishii Luulyo ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxa uu sheegay in Falastiin ay u qalanto in ay noqoto dal madaxbannaan oo shaqeyn karaya, isla markaana sii jiri karaya. Wuxuu hadalkan ku soo qaaday khudbad uu jeediyay kaddib kulan uu hoggaamiyaha Falastiin, Maxamuud Cabaas kula yeeshay Daanta Galbeed ee ay Israaโ€™iil haysato.

Madaxweyne Biden ayaa mar kale ku celiyay sida ay Mareykanka uga goโ€™an tahay in xal loo helo dhibaatada u dhaxeysa Falastiin iyo Israaโ€™iil.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaallada la isugu keenayo labada dhinac ee wada-hadallada nabadeed ah ay sii socon doonaan.

“Dadka Falastiin hadda waxay dareemayaan xanuunโ€ฆ Waan dareemi karnaa murugadaada iyo niyad jabkaaga,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Wada-hadalladii u dhaxeeyay Israaโ€™iil iyo Falastiyiniinta ayaa hakaday ku dhawaad 10 sano ka hor, waxayna rajadu tahay in hadalkan ka soo yeeray raysul wasaaraha Israaโ€™iil uu u gogol-xaari karo in wada-hadalladaas ay dib u furmaan, balse ilaa hadda maamulka Falastiyiniinta iyo xoogagga kale ee hubeysan ee reer Falastiin kama aysan hadlin arrintan.

Waxaa dhaqangalka heshiis noocaas ah shaki gelinaya cambaareynta ka soo yeertay qaar ka tirsan isbahaysiga uu hoggaamiyo raysul wasaaraha xilka haya ee Israaโ€™iil.