Erdogan oo la kulankiisii Putin ku ogaaday goโ€™aan lama filaan ah oo ku saabsan dagaalka Ukraine

0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in hoggaamiyaha Ruushka uu raadinayo sidii uu kusoo afjari lahaa dagaalka Ukraine, arrintaas โ€œoo ah tallaabo saameyn leh ahnaโ€ mid la hirgelin doono.

Waxa uu sheegay Erdogan in kulankii wadahadalka ahaa ee uu dhawaan la yeeshay Vladimir Putin uu wajigiisa ka dareemay inuu rabay โ€œinuu sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u joojiyo dagaalkaโ€.

Ukraine ayaa bishan dib u qabsatay qeybo badan oo dhulkeeda ah oo ay horay ula wareegeen ciidanka Ruushka.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa bidhaamiyay waxyaabao โ€œdhib ku noqdayโ€ Ruushka.

Erdogan ayaa sheegay in uu โ€œwadahadal aad u weyn oo dhinacyo badan taabanayaโ€ la yeeshay Putin oo ay isku arkeen shir isbuucii la soo dhaafay ka dhacay Uzbekistan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta laga leeyahay Mareykanka ee PBS ayuu madaxweynaha Turkiga ku sheegay in uu wax walba ka aqristay wejiga madaxweynaha Ruushka.

โ€œWaxa uu runtii muujinayay inuu aad u rabo joojinta dagaalka, weliba si degdeg ah,โ€ ayuu yiri Erdogan. โ€œArrintaas ayaan ka dareemay, sababtoo ah sida ay hadda wax u socdaan waxaa ku jira xoogaa dhib ah.โ€

Waxa uu sidoo kale sheegay in 200 โ€œoo maxbuusโ€ la filayo inay mar dhow kala beddeshaan labada dhinac.

Hase yeeshee, faahfaahin dheeri ah kama uusan bixin cidda ka mid noqon doonta maxaabiis isweydaarsiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa in muddo ah ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya dagaalka Ukraine, isagoo abuuray boos dheellitiran oo uu taagan yahay Turkiga oo xubin ka ah isbaheysiga Nato, waxa uuna kasoo horjeestay cunaqabateynta ay Reer Galbeedku kusoo rogeen Ruushka.

Waxa uu gacan ka geystay in Qaramada Midoobay ay labada dhinac ku qanciso dib u billaabidda dhoofinta raashinka laga qaado Ukraine. Isbuucii lasoo dhaafay waxa uu Erdogan sheegay in uu isku dayayay hirgelinta xabbad-joojin toos ah.

Ukraine oo dhul dib u qabsatay

ย 

Dhanka kale, labo bil kaddib markii ay ciidamada Ruushka la wareegeen guud ahaan gobolka bariga ku yaalla ee Luhansk, Ukraine ayaa dib ula wareegtay qeybo dhulkaas ah.

Hoggaamiyaha gobolka Serhiy Haidai ee dhinaca Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dib uga gurteen xaafadda Bilohorivka โ€“ balse ay wax walba u sameynayeen inay meelo kale qabsadaan.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay โ€œin kuwa dalkiisa qabsaday ay aad u naxsan yihiinโ€.

Goor sii horreysay oo bishan gudaheeda ah, Erdogan ayaa ku eedeeyay Reer Galbeedka in ay hirgelinayaan siyaasad โ€œdaandaansi ahโ€ oo ay uga careysiinayaan Ruushka, waxa uuna ka digay in arrintaas ay sababi karto โ€œin dagaalku uusan mar dhow istaaginโ€.

Isbuucii la soo dhaafay ayuu hoggaamiyaha Ruushka sheegay inuu diyaar u yahay la kulanka madaxweynaha Ukraine, balse Zelensky dhankiisa uusan diyaar ahayn.

Waxa uu u sheegay raysul wasaaraha Hindiya inuu doonayo soo afjaridda dagaalka โ€œsida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsanโ€.

Hase ahaatee, Ruushka ma uusan sameyn wax astaan ah oo muujineysa inuu diyaar u yahay aqbalidda dalabka xukuumadda Kyiv oo ah in uu ciidamadiisa si buuxda uga saaro dhulka Ukraine, oo xitaa ay ku jiraan meelaha uu qabsaday 2014-kii.

Xilligaas waxa uu Ruushku goostay gobolka Crimea, haddana madaxweynihii hore, Dmitry Medvedev, ayaa sheegay kooxaha goonni-u-goosad-doonka ah ee uu Ruushku taageero ay sameyn doonaan โ€œaftiโ€ ku saabsan in Ukraine laga gooyo gobollada Luhansk iyo Donetsk โ€“ oo loo yaqaanno Donbas.

Madaxweyne Putin ayaa marar badan ku celceliyay in ujeeddada ugu weyn ee Ruushku ay ahayd in ay โ€œxoreeyaanโ€ gobolka Donbas ee Ukraine.

โ€œIn afti laga sameeyo Donbas waa lagama-maarmaan,โ€ ayuu yiri Medvedev, oo hadda ah ku-xigeenka madaxa golaha amniga ee Ruushka.

Laakiin, dalalka Reer Galbeedka ayaa cambaareeyay qorsheyaasha Moscow ee ku aaddan in si degdeg ah loo qabto afti laga qaado deegaannada uu Ruushku qabsaday.