Muxuu noqon koraa go’aanka maanta laga filayo Maxkamadda ugu sareysa Kenya?

0

Maxkamada ugu sareysa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqday go’aanka kiiskii ak dhanka ahaa natiijadii doorashada madaxwaynanimada ee uu u gudbiyay rai’sul wsaarihii hore ee Kenya Raila Odinga. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo markii shanaad isku dayaya inuu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in guushii dirqiga ahayd ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto ay ahayd natiijada ku shubasho baahsan.

Afar ka tirsan toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa qaadacay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.

Maxkamadda ugu sarreysan Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017 iyadoo laashay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga iyadoo sababta ku sheegtay in kahladaad ay ka jireen hannaanka doorashada.

Maxkamadda ayaa xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in doorashadaasi ku celiska uu ak qeyb galo Raila Odinga.

Tiro dad ah ayaa sanadkaas dhexdiisa ku dhintay isku dhacyo ka dhashay doorashada.

Doorashadii dhoweyd, dibadbaxyo yar ayaa ka dhacay dhowr meelood oo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Odinga kaddib markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya uu ku dhawaaqay guusha Ruto 15-kii bishii aanu soo dhaafnay ee August,.Balse Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay nabadda

ilaaliyaan wixii intaa ka dambeeyayna xaaladdu way degganeyd.

Raila Odinga, oo doorashadan taageero ka helayay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in koox u shaqeyneysay Ruto ay jabsadeen hannaanka guddiga ee online-ka ayna wax is daba marin sameeyeen.

Odinga iyo 4 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeeyay inay carqaladeeyeen sharciga guddiga iyagoo sheegay inuu iska sii watay tirinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada.

Tirada rasmiga ah ayaa muujineysay in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filneyd inuusan doorasho ku celis ah gelin.

Ruto iyo Chebukati ayaa ka hor yimid dhammaanba eedeymahaas loo soo jeediyay.

Kooxda sharciga ee Ruto ayaa beeniyay sheegashooyinka Odinga iyagoo sheegay inaan wax caddeymo ah loo heyn eedeyntooda.

Muxuu noqon karaa go’aanka maxkamadda

Maxkamadda oo maanta lagu wado inay ku dhawaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah ayaa waxaa uu go’aankooda noqon karaa labo midkood.

In maxkamaddu laasho natiijada, islamarkana ay amarto in muddo 60 maalmood gudahood ah doorasho ku celis ah lagu qabto.

Go’aanka kale ee ay garsoorayaasha gaari karaan ayaa ah in ay taageeraan natiijadii uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashada islamarkana madaxwaynaha la doortay oo ah William Ruto xilka loo dhaariyo toddobaadka soo socda.

Kenya ayaa ah dal xulafo la ah dalalka reer-galbeedka kuna yaalla gobol ay xasarado ka jiraan.Kenya ayaa waxa ay ciidamo nabad ilaalin ah u dirtay dalalka soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Waxay sidoo kale saldhig u tahay shirkado iyo ururro caalami ah.

Sanadkii 2007, ilaa 1,200 ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay doorashadii sanadkaas oo ay isugu soo hareen madaxweynihii geeriyooday ee Mwai Kibaki iyo Raila Odinga, taasoo guusha ay ku raacday Kibaki.