Gaari laga soo dhacay London oo lagu qabtay Pakistan

0

Gaari laga soo dhacay London oo lagu qabtay Pakistan

Maamulka canshuuraha dalka Pakistan, ayaa sheegay iney magaalada Karachi ku qabteen gaari Bentley ah, oo laga soo xadey magaalada London, kadibna la keenay magaalada dekedda leh.

Waxey sheegeen iney hay’adaha Ingiriiska ka heleen xog ku saabsan in gaariga (ku dhawaad 300,000$) ku fadhiya la dhigay guri ku yaalla meel suuq ah oo magaalada ah.

Saraakiisha ayaa sheegay iney u suurta gashay iney baadi goobaan, maadaama dadkii xaday ay u suuroobi weysay iney qariyaan goobaha laga soo raad raaci karo gaariga.

Gaarigu ayaa waxa uu lahaa nambarka diiwaan galinta iyo warqadaha deegaanka.

Milkiilaha ayaa sheegay inuu ka iibsaday ruux bixiyay dhammaan aqoonsiyadiis