TPLF oo durbaba magaalo kala wareegtay ciidammada dowladda

0

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Amxaarada “si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galy “jihooyin badan”.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.

Hase yeeshee dadka magaalada ayaa BBC-da u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib markii ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday.

 

Dhakhaatiirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in duqeymo diyaaradeed ay ku dhinteen afar qof.

Xoogagga Tigreega ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay weerarradaas fuliyeen.

Labada dhinac ayuu midba midka kale ku eedeeyay hurinta iska-hor-imaadkan cusub, kaas oo jugtiisa laga maqlayo magaalada Kobo ee u dhow xudduudda Tigray ee gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah haweenka deggen Kobo oo BBC-da la hadashay ayaa tiri: “Dagaalku wuxuu noo jiraa qiyaastii 20 kilo mitir. Waxaan maqlaynaa dhawaqa hubka culus. Weli waa la maqli karaa. Dagaalka wuu sii weynaaday. Ciidamo dheeraad ah ayaa soo galaya aagga.’’

Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda wuxuu maalintii Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka Tigray.

“Xilli kasta wuu burburi karaa heshiiska xabbad-joojinta ah ee gargaarka bani’aadannimada looga gol lahaa. Haddii TPLF dagaal lagu soo qaadana waxay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay weerar kasta iska caabbiyaan,” ayuu yiri Getachew Reda.

Xukuumaddu waxaa kale oo ay sheegtay in mar kale uu qarxo dagaalka Tigray inay ugu wacan tahay fallaagada oo in muddo ah diyaargarow dagaal sameyneysay.

Dowladda Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan ku dhawaaqday xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib ku dhowaad laba sannadood oo ay dagaal ay kula jirtay ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Eedda labada dhinac ay isu jeedinayaan ayaa muujineysa inuu dagaal hor leh ka qarxay xadka gobolka Tigray.

Colaaddan oo bishii November ee sanadkii 2020-kii ka billaabatay gobolka Tigray ayaa sababtay dhimashada tobannaan kun oo qof oo rayid ah, iyo in malaayiin qof ay u baahdaan gargaar bani’aadannimo, waxaana gobolka ka maqan adeegyadii aasaasiga ahaa sida korontada, isgaarsiinta iyo bankiyada.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeya Tigreega iyo Xukumadda Abiy Axmed?

 

Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi hayay ee TPLF.

TPLF waa xisbi ay leeyihiin qowmiyadda Tigreeda oo ka mid ahaa afarta xisbi ee ku bahoobay xisbiga PP oo horay loo odhan jiray EPRDF, waxaana TPLF lagu xusuustaa iney talada dalka Itoobiya ay soo hayeen ku dhawaad 26 sano, hogaamiyaha xisbiga TPLF wuxuu ahaa Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya ee geeriyooday Meles Zeenaawii.

Abiy Axmed markii xilka loo dhaariyey tallaabbooyinka ugu horreeyey ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu maxabiista siyaasadeed uu sii daayo, cadaadiska shacabka lagu hayey la joojiyo, mucaaradka gudaha iyo dibadda ka dhaqdhaqaaqayey oo uu cafis u fidiyey kaddibna uu heshiis la galay iyo siyaasadda dalka inuu furfuro.

Tallaabbooyinkaasi oo dhan ayey ka biya diideen xisbiga iyo deegaanka Tigreega intaba sababahan soo socdo awgood:

– Heshiiska Eritrea uu la galay oo lagu soo afjaray colaaddii mudddada dheer u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ay u arkaan iney qowmiyadda Tigreega ku tahay halis siyaasadeed maadaamaa ay colaadda Addis Ababa iyo Asmara ay iyagu abuureen.

– Xisbiyada siyaasadeed qaar oo ay u arkaan iney yihiin argagaxiso oo ay mudneen in heshiis lala galo.

– Sii deynta maxabiista siyaasadeed oo ay u arkeen iney madaxdii Tigreega ee siyaasiyiintaasi badankood gacantooda ku xiray iney colaad u abuureyso.