Afar arrin oo ay Puntland ka rabto dowladda Xasan Sheekh Maxamuud

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood u buuxsantay dowladda Xasan Sheekh, tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaase durba soo baxay in ay jiraan arrimo ay Puntland ka tabanayso dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay Puntland ka rabtaa dowladda Xasan Sheekh?

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay xalay yeesheen kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.

“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin,” ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa uu ka muuqday in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo ayaa sheegay in ay dowladda federaalka ka doonayaan dhowr arrimood.

Wadashaqayn

Munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda ee 1-dii July ayuu Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay in maamulkiisa Puntland uu si buuxda u taageersan yahay dowladda federaalka, uuna la shaqayn doono.

Deni ayaa ka mid ahaa murashaxiintii ugu cadcaddaa ee u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo loo arkayay in uu aad ug dhawaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dowladdiisii hore kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee ay hadda mas’uuliyiinta Puntland ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa “wadashaqayn la’aan”, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedkaas.

“Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas’uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aalka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.

Wasiirka u hadlay Puntland waxa uu sidoo kale sheegay inay dhaliilayaan hanaanka loo maamulay socdaallo uu dibeda ku tagay madaxweynaha. Isaga oo sheegay in aanan lago talo gelin maamulkiisa safaradaas iyo qorshehooda ba.

“Socdaallo aan ka yarayn sagaal buu galay madaxweynuhu, keligii buu ku ahaa, iyadoo waliba Wasiir Arrimaha Dibadda ah uu jiro.”

Dhammaystirka Dastuurka

Muddo dheer waxaa qabyo ah dastuurka Soomaaliya oo dhinacyada uu quseeyo laga sugayo inay dhamaystiraan.

“Puntland waxay ka rabtaa dowladda cusub ee ay maanta boqol maalmood u tahay waqtigii ay jirtay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo sal dhigata, oo dastuurkii qabyada ahaa la dhammastiro si wadar oggol ah.

“Sida dastuurka ku meel gaarka ah ku qoran, guddiyada dhammastirayaa waa in dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo baarlamaanka iyo guddiyadoodu ay wadajir yihiin, waana in dowladda federaalka oo keliya aysan ku takrifalin,” ayuu yiri wasiirka.

Deeqaha caalamiga ah

Waraysiga uu wasiirka warfaafinta Puntland siiyay BBC-da ayuu sidoo kale ku sheegay inay ka rabaan dowladda dhexe inay qeyb ka siiso kaalmada caalamiga ah ee dalalka dibeda bixiyaan. “Waxay Puntland rabtaa in deeqaha caalamiga ah ee la helo si caddaalad ah loo qeybiyo,” ayuu yiri. Wasiirku waxa uu si gaar ah u magacaabay kaalmada dhanka amniga loogu talogalay, oo uu sheegay in aan waxna laga siin maamulka Puntland.

“Dowladda federaalku kaalmo ballaaran bay ku heshaa dhanka amniga, ama Talyaaniga haka hesho, ama Turkiga haka hesho, Mareykanka, Ingiriiska, mana jirto wax deeqahaas militeri ka mid ah oo ay dowladda federaalku soo gaarsiiso Puntland.”