Maxaad ka taqaanaa Soomaalida majaraha u hayso xisbiyada ku loollamaya doorashada Kenya?

0

9-ka Bisha August ee sanadkan, Kenya waxaa ka dhici doonta doorasho xasaasi ah oo lagu dooran doono min golaha deegaanka, xildhibaannada labada aqal, barasaabyada, sanatarada iyo weliba madaxweyne cusub.

 

Musharraxa madaxweynaha Raila Odinga oo afar jeer oo hore doorashada guul darro kala kulmay ayaa malaha markii ugu dambeysay markan nasiibkiisa tijaabinaya.

Ninkan 77 jirka aha ayaa horay ugu soo caan baxay ololayaasha doorashada uu horay u sameeyey.

Waxaana kursiga madaxweynah kula tartamayaa madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo 55 jir ah.

Sidoo kale waxaa loollanka doorashada madaxtinnimada Kenya qayb ka ah laba musharrax oo aan aad loo aqooon. George Wajackoyah ayaa dareenka shacabka soo jiitay kaddib markii uu soo jeediyey beerashada xashiishka marijuana inuu sharciyeynayo iyo in masaska la dhoofiyo.

Waxaa sidoo kale tartankan ku jira David Mwaure Waihiga oo ah musharrax madaxweyne ololahiisa doorashada wuxuu halkudhig uga dhigay la dagaallanka musuqmaasuqa.

Labada musharax ee Rutu iyo Raila ayay Soomaalida Kenya ku kala qeybsan yihiin cid ay dooranayaan. Waxaa jira siyaasiyiin badan oo Soomaali ah oo labada dhinac kala taageersan balse waxaa majaraha u haya labada siyaasi ee Aadan Barre Ducaale oo taageersan Ruto iyo Junet Maxamed oo lagu tilmaamay inuu yahay gacanta midig ee Raila.

Yay Soomaalida dan ugu jirtaa?

Junet Maxamed oo ah shakhsi aad u taageera musharax madaxweyne Raila Odinga ayaa BBC-da weydiisay su’aashaas?

’’Runta hadii laga hadlo Raila Odinga waa ninka keli ah oo ay ku jirto danta guud ee Soomaalida iyo Muslimiinta ayna qulubtiisa ku weyn yihiin, marka aanu eegno dowladihii hore laga soo billaabo Kenyatta, Daniel Moi, dowladdii Mwai Kibaki iyo tan Uhuru Kenyatta, marka ay Soomaalida iyo Muslimiinta gacan bidxeyaan waxaa dhacdo in Raila uu is hortaago booliska iyo dowladda si aan loo dulminin Soomaalida,’’ ayuu yiri Junet Maxamed.

Waxaa uu intaasi ku daray in taariikhda ay xusi doonto Raila Odinga ‘’Waxaad dib u xasuusata taarikhda Kenya, laga soo billaabo Xasuuqi Waggalla, tii Gaarisa Gubaay iyo silici loo geystay Soomaalida, ninka keli ah ee dulmigaas ilaa heer baarlamaan ka hadlayay mar walbo waxa uu ahaa  Raila sidaas awgeed anaga Soomaalida danteena waxay ku jirtaa odaygan, wax inoo dhaama ma jiraan’’.

Dhanka kale, waxay isla su’aashaas BBC-da u bandhigtay Aadan Barre Ducaale oo isna ka mid ah ragga majaraha u haya xisbiga uu hogaaminayo William Ruto.

‘’William Ruto aniga waan isla soo halgannay maanta oo aan kula hadlayo xisbigan cusub William Ruto ayaa hogaaminayo aniga ayaana ah qofka labaad ee xisbiga ugu sareeyo, waa xisbi danteena Soomaalida aan ku ilaashan karno iyo danta dinteena, meel aan aniga ku jirana cadkeyga sidii aan u dhcasan lahaa waan ogsoonahay. Marka ummadda waxaan u sheegayaa in aan aniga halkaa ku matalayo, ’’ ayuu yiri Ducaale.

Waxaa muuqata in codka Soomaalida ee doorashada uu yahay mid aad ukala qeybsan. Balse Daahir Isaaq oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in arrintaasi ay tahay mid faa’iido ugu jirto Soomaalida.

‘’Sida haatan wax u socdaan waxay tahay in codkooda aysan isugu geynin hal meel, xisbiga william Ruto waxaa madax ka ah Aadan Barre Ducaale halka dhanka  Raila uu ka dhex muuqda Junet, marka labada dhinac danteena waa ku jirtaa dowladii soo gashaba’’.

Haddaba maxaan ka naqaanaa Aadan Barre Ducaale iyo Junet Maxamed?

Aadan Barre Ducaale

 

Aadan Barre Ducaale oo ahaa Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee Xisbiga Jubilee ayaa waxaa xilkaasi loo doortay 2013-kii.

Waxa uu baarlamaanka ku matalaa deegaanka Gaarisa Township ee Ismaamulka Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Waxa uu dhashay sannadkii 1969-kii. Dugsida hoose dhexe iyo kan sareba waxa uu kaga baxay magaalada Gaarisa. Sannadkii 1992-dii ayuu heerka koobaad ee Jaamacadda kaga baxay Jaamacadda Moi isagoo bartay kuliyadda waxbarashada halka sannadkii 2011-kiina uu heerka labaad ee Jaamacadda kaga baxay Jaamacadda Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology.

Ducaale waxaa loo doortay baarlamaanka 2007 si uu u matalo dadka deegaanka Dujis. Wuu u tartamay oo ku guulaystay isagoo ku tartamay xisbiga ODM.

Bishii Abriil ee 2008, waxa loo magacaabay wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha.

Waxa uu sidoo kale soo noqday Guddoomiye ku xigeenka xsibiga ODM ee Arrimaha Siyaasadda ilaa 2011.

Ka dib markii sannadkii 2011-kii ay siyaasad ahaan isku fahmi waayeen xsibiga ODM ayuu waxa uu la xirtay William Ruto waxa ayna aasaaseen xisbiga URP.

Ka dibna wax ay ku biireen xisbigii TNA ee uu hogaaminayay madaxweynaha haatan waqtigiisu gabagabada yahay ee Uhuru Kenyatta taas oo horseedday inay ku guulesytaan doorashadii guud ee sannadkii 2010-kii.

Galaangalkiisii siyaasadeed ee hamigiisii ahaa inuu jaga sare qabto ayaa markaasi u suurogashay waxaana loo magacaabay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee xsibiga talada hayay ee Jublee.

waa kuma Junet Mohamed?

 

Junet Mohamed waa Siyaasi caan ah, waxa uu ku dhashay 25-kii October 1977-kii.

Maxamed waxa uu waxbarashadiisa ka bilaabay Dugsiga Hoose ee Migori ee galbeedka Kenya ka hor intii aanu u sii gudbin Dugsiga saree e Lenana.

Ka dib waxa uu ku biiray Jaamacadda Nairobi oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee maamulka ganacsiga.

Waxa uu hore u ahaan jiray Duqa magaalada Migori isagoo la doortay 2003. Xirfadiisa siyaasadeed ee Kenya waxa ay soo bilaabatay sannadkii 2013 markii loo doortay ka mid noqdo xubnaha baarlamaanka isagoo matalaya bariga deegaanka Suna waxaana uu ku tartamay xisbiga xsibiga ODM.

Wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Kenyan ah oo laga doorto gobolka Nyanza, taasoo ay ugu wacan tahay inuu ku koray halkaas oo uu ku lahaa xiriir iyo saaxiibo aad u badan.

Mar kale ayaa dib loogu doortay doorashadii Ogosto 2017 wuxuuna aad ugu dhow yahay hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.