Amiir ka tirsan boqortooyada UK oo qoyska Usaama Bin Ladin lacag badan ka qaatay

0

Amiirka Wales ayaa ka aqbalay qoyska Osama Bin Laden lacag dhan £1 milyan oo Pound, sida ay qortay majaladda Sunday Times.

 

Amiir Charles ayaa lacagtan ka aqbalay laba nin oo ay walaalo ahaayeen Osama Bin Ladin sanadkii 2013, laba sano kadib markii la dilay hogaamiyihii Al-Qaacida, ayay raacisay majaladda.

Sanduuqa Samafalka ee Amiirka Wales ee (PWCF) ayaa helay deeqda.

Clarence House ayaa sheegay in ay PWCF u xaqiijisay in “ku dadaaleen inay si sax ah u isticmaalaan” go’aanka ay lacagta ku aqbaleenna ay lahaayeen wakiillada.

“Isku day kasta oo lagu tilmaami karo lacagtaas in si kale loo isticmaalay waa been,” ayuu BBC U sheegay Clarence House.

Clarence House ayaa sidoo kale sheegtay in ay su’aal geliyeen dhowr qodob oo lagu sheegay maqaalka wargeyska.

Bin Ladin waxa iska fogeeyay qoyskiisu sannadkii 1994-kii, mana jirto wax soo cadeyn ah oo muujinaya in walaalihiis ay xiriir la lahaayeen dhaqdhaqaaqii walaalkood.

Sida warbixinta lagu sheegay, Amiir Charles ayaa lacagtan ka aqbalay Bakr Bin Laden oo madax ka ah ganacsiga qoyska maalqabeenka ah ee Sucuudiga iyo walaalkii Shafiiq, kaddib kulan uu Bakr kula yeeshay Clarence House.

Dhaxal sugaha ayaa qaatay lacagta inkastoo ay diidmo ka keeneen la taliyayaasha Aqalka Clarence House iyo ha’yadda PWCF, sida Sunday Times ay werisay, iyadoo soo xiganeysa ilo wareeydyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Sir Ian Cheshire, oo ah guddoomiyaha hay’adda PWCF, ayaa u sheegay wargeyska in deeqda ay sannadkii 2013 -kii “si taxadar leh u tixgeliyeen” shantii wakiil ee wakhtigaas.

“Go’aanka aqbalaadda deeqda waxaa si buuxda u qaatay wakiillada, isku day kasta oo lagu soo jeedinayo in ay arrinta si u dhacday waa marin habaabin oo aan sax ahayn.”

PWCF waxay deeqaha siisaa ururada aan faa’iido doonka ahayn ee ka diiwaangashan UK si ay gacan uga geystaan mashaariicda gudaha UK, Commonwealth iyo dibadda.

 

Osama Bin Laden ayaa ahaa ninka ugu sarreeya liiska “aadka loo doondoonayay” ee Mareykanka. Waxaa la rumeysan yahay inuu amray weerarradii New York iyo Washington ee 11-kii Sebtembar 2001 – oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​3,000 oo qof – oo ay ku jiraan 67 British ah. Waxaa dilay ciidamada Mareykanka sanadkii 2011-kii.

Ilo ka tirsan hay’adda PWCF ayaa BBC u sheegay in “in kasta oo magaca [Bin Laden] uu leeyahay taariikh aan farxad lahayn, waa in aan lagu la takoorin qoyska intiisa kale.”

Warku wuxuu intaa ku daray in deeqdaasi ay fasaxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tani maaha markii ugu horeysay ee Amiir Charles ama hay’ad samafal ah lagu weeraro deeqaha ay bixiso.

Waxaa la soo wariyay bishii hore in Amiir Charles uu aqbalay shandad ay ku jirtay hal milyan oo Yuuro oo kaash ah uu uu ku deeqay ra’iisul wasaarihii hore ee Qadar.

Qasriga Clarence House waxa uu sheegay in xiligaas deeqaha sheekha ay si degdeg ah ugu wareejiyeen mid ka mid ah hay’adaha samafalka amiirka, isla markaana la raacay dhammaan habraacii saxda ahaa.

Guddiga Samafalka ayaa markii dambe go’aan ku gaaray inaan la billaabin baaritaanka ku aaddan deeqda.

Bishii Febraayo, Bilayska Magaalo Weynta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sheegashada hay’ad samafal ah oo caawimo sharafeed u fidisay muwaadin Sucuudi ah.