Qoraagii mar nolosha ka quusatay ee bilyan dheerka noqotay

0

Joanne Kathleen Rowling oo magaceeda loo garan ogyahay J.K.Rowling waxay mar soo ahayd haweeney wax badan ku fashilantay, hoy aan heysan, shaqo la’aanna ay u dheer tahay.

J.K waxay 31-kii July 1965-kii ku dhalatay Bristol ee dalka Britain.

Haweeneydan oo ka mid ah qoraayaasha caalamka ugu caansan uguna taajirsan billowga noolasheeda waxay soo martay nolol adag iyo shaqo la’aan gaarsiisan iney gacanta dowladda oo keli ah sugto.

1992-kii ayey J.K guursatay hase yeeshee guurkeeda ma noqon mid sii jira oo wuxuu burburay 13 bilood kaddib furriin ayuuna ku soo dhammaaday, waxayna dhashay gabar lagu magacaabo Jessica.2001-dii ayey J.K markale guursatay nin dhakhtar ah oo Britain u dhashay.

Dalka Portugal oo ay ku nooleeyd kana shaqeyneysay markii ay shaqo ka weyday waa ay ka soo tagtay iyada oo ku soo laabatay magaalada London.

Hase yeeshee, London markii ay ku soo laabatay nolol wanaagsan kalama kulmin oo waxaa soo wajahday nolol adag ilaa ay ku fikirto iney isdisho.

Hase yeeshee kama daalin iney sii waddo qoraalka sheekada Harry Potter ee ay billowday.

“Guurkeyga ma noqon mid sii jiro, shaqo la’aan ayaan ahaa, hooyo ilma haysata ayaan ahaa, dadka ugu saboolsan UK ayaan ka mid noqday, waxan noqday qof uu la soo dersay fashilkii nololeed oo ugu weynaa,” ayey tiri J.K.Rowling.

 

Horumarka sida uu ugu billowday

J.K qoraalkii ugu horreysay oo ay ku tijaabisay iney wax qori karto waxay qortay xilli ay 6 jir ahayd.

1990-kii maalin maalmaha ka mid ah J.K oo sugeyso tareen ayuu tareenkii ka soo dib dhacay.

Dib u dhici tareenka ay kala kulantay waxay ku dhalisay iney sheeko ka allifto muddo shan sano ah ayeyna sheekadaasi qoraalkeeda ka shaqeyneysay.

Sheekada Harry Potter qoraalkeeda markay dhammeysay seddexda cutub ee ugu horreysa meel badan ayey geysay si looga gato oo filin looga sameeyo balse cid qaabisho ayey weyday.

“Marka maalin maalmaha ka mid ah shirkad buugaagta daabacda ayaa ka codsatay iney cutubyada kalana ay u keento si ay u soo akhriyaan, maalintaa ayaa nolosheyda iigu farxad badneyd” ayey tiri J.K.

Kaddib buugga Harry Potter ayaa la daabacay intaa ka gadaalna waxaa laga sameeyey filimaan taxanaha ah. Buuggina wuxuu noqday mid galay taariikhda buugaagta Britain iyo caalamka intiisa kalaba.