Madax dhaqmeedkii bariga burco maxay kala hadleen madaxwayne biixi

0
 
1. In Madaxweynuhu dib uga noqdo go’aanka uu ku haysto Hargaysa Club, oo ah mid aan sharci ahayn maddaama oo goobta lagu bixiyay sifo sharci ah. Waqtigii dawladii Madaxweyne Rayaale.
2. In Xukuumada Biixi ay qiimayn ku samayso hubkii beelaha Cumar Farax, Biiciide ay soo dhiibtay, lagana yeelo, nidaamkii la mariyay hubkii xukuumadu kala wareegtay beelaha kale ee Somaliland.
3. In Xildhibaan hore, Maxamed Ali Xirsi (Obama) oo lacag ku leh dawlada, gaar ahaan mashruuca Berbera Corridor la siiyo deyntaas, maddaama oo uu sifo sharci ah ugu guulaystay qayb ka mid ah qandaraaskaas, sanadkii 2020 lagaga noqday.
4. In Boqorka Guud ee Beelaha Habarjeclo Boqor Cismaan Buurmadoow oo xayiraad dal ku-gal la saaray, loo ogolaado in uu yimaado dalkiisa hooyo.
5. In Shirkada Asli Maydi xukuumadu ka dayso hagardaamada ganacsi ee ay ku hayso, sidoo kale xayiraada laga qaado goobaha ganacsi ee shirkadaasi leedahay.
6. In Gen. Dolaal oo darajadisii laga xayuubiyay loo soo celiyo, maddaama oo uu yahay nin dalkan u soo halgamay, Maxkamadii Ciidankuna ay wayday wax dembi ah.
7. In Madaxweyne Biixi uu u tudho dalka iyo dadka oo ku jira xaalado adag oo dhaqaale, aan loogu darin xasilooni daro siyaasadeed iyo amni. Sidaa daraadeed, uu muujiyo tanaasul.
Madax dhaqmeedkan ayaan sooba qaadin kursigii gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo reer ahaan ay inbadan ka hadleen in madaxwaynuhu kusoo wareejiyo habar jeclo si ay cid ugu cumaamadaan gudoomiyah xisbiga kulmiye laakiin tasi may dhicin iyaguna doonrkan  ama shirkan kamayba hadal maadama  sida ay udhowdahay ururadii siyasada la furay oo labo nin oo wax kasoo dhisay xisbigii kulmiye dawladii ka dhalatayna  wasiiro awoodle ka aha xiligan ay yihiin gudoomiyayaal  Ururo siyaasadeed oo an ahayn kulmiye,