Muxuu mucaaradka Jabuuti ka yiri shaacinta waqtiga uu xilka ka dagayo Geelle

0

Muxuu mucaaradka Jabuuti ka yiri shaacinta waqtiga uu xilka ka dagayo Geelle

 

 

Mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee dalka Jabuuti ayaa ka hadlay sida uu u arko hadalkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ahaa in aanu isu soo taagi doonin xilka madaxweynaha doorashada soo socota.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAAD, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aysan ku cusbeyn ballanqaadka madaxwaynaha ee ah in uusan doorashada u tartami doonin.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxwayne Geelle uu horay u ballanqaaday in uu xilka banneynayo oo uusan doorashooyiinka u tartami doonin, balse uusan ka dhabeyn.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war la qabo xiiso ma leh, Ismaaciil Cumar Geelle-na ma aha markii ugu horreysay oo uu arrinkan ku dhawaaqo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxaa uu intaa ku daray in sanadkii 2008 uu madaxwaynuhu sheegay in uusan dastuuka ku tuman doonin oo uusan isbeddel ku sameyn doonin, balse uusan taasi ka dhabeyn.

“2008-dii waxaa uu yiri ma ahi nin ku tunta dastuurka oo jeex-jeexa. Waana la ogaa in uu dastuurka beddelay si uu mar saddexaad isu sharixi karo, waayo qodobka 23-aad ee dastuurka ayaa ka mamnuucayay inuu mar saddexaad tartamo,” ayuu yiri.

Duqii hore ee caasimadda Jabuuti, haddana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAAD, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ayaa sheegay in aysan fileyn “in Ismaaciil Cumar uu xilka ka degayo”.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb galaan doorashada, haddii loo qabanayo “si xaq iyo xor ah”.

Wuxuu intaa ku daray, “Annagu maaddaama aan mucaarad nahay xil u joog ayaan nahay, waana tartami karnaa, laakiin waxaa la rabaa in doorashooyin xor iyo xalaal ah ay dhacaan.”

 

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, koboca, halista kooxaha jihaad-doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Balse, dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka maquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xorta u yihiin.

Weriyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo-xileedka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale isu soo taagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Su’aalaha la waydiiyay inta uu wareysigu socday waxaa ka mid ah mid ku saabsanayd sida uu u arko dadka u badan dibad-joogga ee baraha bulshada soo dhigaya farriimaha ay ugu jeedinayaan in uu xilka iska casilo, maaddaama ay ku eedeeyeen in uusan shacabkiisa u qaban wax ku filan.

Isagoo ka jawaabayay su’aashaas ayuu Madaxweyne Geelle yiri: “Haddii aad dibad-joog tahay micnaheeda ma aha inaad mucaarad noqoto.

Haddii aadan rabin inaad ka shaqayso gudaha dalkeenna, micnaheedu ma aha inay fasax kuu tahay inaad abuurato sheekooyin aan jirin.

Inta badan dadka reer Jabuuti iyo kuwa dhaliila maamulka Madaxweyne Geelle ayaa tusaale u soo qaata sicirka nolosha ee qaaliga ah. Waxyaabaha sida gaarka ah aad looga cawdo waxaa ka mid ah qiimaha korontada oo sarreeya.